29.8 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Xubnaha ku dhow Trump oo qoomamo ka muujiyey dagaalka Iiraan iyo arrin dhici karta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Qaar ka mid ah dadka sida aadka ah ugu dhow Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inay dareemayaan qoomamo siyaasadeed oo la xiriirta go’aankii lagu qaaday dagaalka Iiraan, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in maamulka Washington uu dhayalsaday adkeysiga iyo awoodda nidaamka Tehran, sida lagu sheegay warbixin ay shabakadda Axios baahisay Isniinta.

Warbixintu waxay xustay in qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ay muujiyeen cagajiid ama ay doonayeen waqti dheeri ah ka hor inta aan la bilaabin ololaha milateri. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu ugu dambeyn iska indho-tiray shakigaas, isagoo yiri, “Waxaan rabaa kaliya inaan howlgalka fuliyo.”

Sida ay xogtu sheegeyso, Trump waxaa dhiirrigeliyay guulo milateri oo dhowaan la gaaray, oo ay ku jiraan duqeymihii xagaagii hore lagu qaaday Iiraan iyo soo-qabashadii Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, bishii Janaayo. Arrimahaas ayaa la sheegay inay sare u qaadeen kalsoonidiisa, kuna abuureen aragti ah in nidaamka Iiraan lagu wiiqi karo iyadoo aan la adeegsan ciidamo lugta ah.

Ilo wareedyo la hadlay Axios ayaa sheegay in madaxweynuhu uu khibradahaas u arkay kuwo sahlan, taasoo keentay waxa ay ku tilmaameen “kalsooni xad-dhaaf ah oo ka indha-tirtay” khataraha jira.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Trump uu haatan galay waxa lagu tilmaamay “dabinka awood-muujinta” ee ka taagan Marinka Hormuz. Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, xaaladdan waxay abuureysaa cadaadis ku riixaya dhinaca awoodda roon inuu sii wado weerarada si uu u muujiyo sarrayntiisa, xitaa marka faa’iidada dagaalku sii yaraaneyso.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa u sheegay Axios in carqaladeynta Iiraan ee marinkaasi aysan horseedin dib-u-eegis ku saabsan dagaalka, balse taa beddelkeeda ay Trump ku riixday inuu sii adkeeyo mowqifkiisa oo uusan tanaasulin.

Sarkaalkaas ayaa sidoo kale ka digay in khalkhal kasta oo ka dhaca Marinka Hormuz uu horseedi karo dagaal sii fida, kaasoo ku qasbi kara Mareykanka inuu kordhiyo awooddiisa milateri iyo kharashaadka ku baxaya si uu u muujiyo awooddiisa, halka guusha Iiraan ay uga dhigan tahay oo keliya inay ka badbaaddo cadaadiskaas.

Dhanka waqtiga, maamulka Washington ayaa markii hore filayay in howlgalku socon doono inta u dhexeysa afar ilaa lix toddobaad. Hase ahaatee, saraakiil ku sugan Washington iyo caasimadaha xulafada ayaa hadda isu diyaarinaya xasarad muddo dheer qaadata. Saddex ilo wareed ayaa Axios u xaqiijiyay in ku lug-lahaanshaha Mareykanka ee colaaddan uu socon karo ilaa bisha Sebteembar, xitaa haddii xawaaraha dagaalku hoos u dhaco.

Dhanka kale, afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa si adag u beenisay warbixinta Axios, iyadoo ku tilmaantay “mid gebi ahaanba been abuur ah.” Waxay u sheegtay wargeyska The Independent in maamulka oo dhan uu ku mideysan yahay taageerada Madaxweyne Trump iyo Waaxda Dagaalka, xilli ciidamada Mareykanku ay sii wadaan burburinta nidaamka Iiraan.

Waxay sidoo kale carabka ku adkeysay in madaxweynuhu uu dhegeysto aragtiyo kala duwan, balse go’aanka kama dambeysta ah ku saleeyo waxa uu u arko danaha dalka iyo amniga qaranka Mareykanka.

Madaxweyne Trump qudhiisa, oo Axaddii la hadlay wargeyska The Financial Times, ayaa is-faaniyay isagoo sheegay in ay “asal ahaan baabi’iyeen Iiraan.”

Wuxuu yiri Iiraan ma laha ciidamo badeed, nidaam difaac oo ka hortaga diyaaradaha, ama awood ciidan oo cirka ah, isla markaana wax walba laga burburiyay. Wuxuu intaas ku daray in waxa kaliya ee ay Iiraan sameyn karto ay tahay qash-qashaad yar sida inay miinooyin ku daadiso badda, taas oo uu ku tilmaamay wax dhib yar abuuri kara.

Si kastaba, ilo kale oo ka tirsan maamulka ayaa uga digay in qiimeyn noocaas ah ay yarayn karto halista dhab ah ee ka iman karta dagaalka iyo saamayntiisa sii fidaysa.

Dagaal daba dheeraada oo lala galo Iiraan ayaa noqon kara dhabar-jab siyaasadeed oo culus oo ku yimaada Trump, xilli uu wajahayo doorashooyinka xilliga dhexe ee bisha Nofembar.

Colaaddan ayaa gudaha Mareykanka si weyn looga soo horjeedaa, iyadoo shacabka ay walaac ka muujinayaan fariimaha is-burinaya ee ka soo baxaya maamulka ee ku saabsan ujeeddada ugu dambeysa iyo muddada uu dagaalku socon karo.

Sida lagu muujiyay ra’yi-ururin ay sameysay hay’adda Ipsos, boqolkiiba 29 keliya ee cod-bixiyeyaasha Mareykanka ayaa hadda taageersan howlgalkan, halka boqolkiiba 43 ay ka soo horjeedaan, boqolkiiba 26 kalena aysan weli hubin mowqifkooda.

Maadaama Trump uu xilligii ololaha ballanqaaday inuu soo afjari doono faragelinta Mareykanka ee “dagaallada aan dhammaadka lahayn” ee dibadda, taageerada uu siiyay duqeymahan ayaa khilaaf weyn ka dhex dhalisay dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ee xagjirka ah.

Qaar ka mid ah taageerayaashiisa ugu saameynta badan ayaa xitaa fagaarayaasha isku dhaafsaday cay shakhsi ah, taasoo muujineysa in saldhiggiisa siyaasadeed uu wajahayo kala-qaybsanaan qoto dheer.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Poland ay dhaliishay Trump kadib markii madaxweynaha Mareykanku uu isbaheysiga NATO ku tilmaamay “iyaga” xilli uu ka hadlayay xiisadda Gacanka, hadal loo fasirtay inuu muujinayo fogaansho dhanka xulafada ah.

Duqeymaha wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan ayaa bilowday 28-kii bishii Febraayo, waxaana la soo werinayaa inay sababeen dhimashada ku dhawaad 1,300 oo qof, oo uu ku jiro Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan, Cali Khamenei, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin iyo warbixino madax-bannaan.

Sidoo kale, afar iyo toban askari oo Mareykan ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalkan tan iyo markii uu billowday.

- Advertisement -

Read more

Local News