Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa goor dhow ka dagay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, isaga oo kasoo duulay dalka Itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya in diyaarad gaar ah oo nooca qumaatiga u kaca (Helicopter) ay Baydhaba gaysay madaxweynaha Koonfur Galbeed, madaama ay safarkiisa isha ku haysay Dowladda Federaalka ‘oo diidaneyd’ inuu ka dago magaaladaasi.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray qorshaha la sheegay in dowladda dhexe ay ku dooneysay in ay ku xayirto socdaalkiisa, iyada oo saaka la hakiyay diyaarado kusii jeeday dhinaca Koonfur Galbeed.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in Laftagareen uu haatan bilaabayo diyaar garowga doorashada guud ee Koonfur Galbeed oo uu ka taagan yahay muran xooggan oo sababay dagaallo ka qarxay maamulkaasi.
Arrimahan ayaa imaanaya, iyada oo goor sii horreysay oo maanta ah ay Koonfur Galbeed ku dhawaaqday in gebi ahaanba ay xiriirkii u jiray Dowladda Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa waxaa lagu shaaciyay in uu si rasmi ah u joojiyay wada-shaqeyntii kala dhaxaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay rabshadaha ka dhacay deegaannada maamulkaas iyo xiisadda sii kordheysa.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay ciidamo geysay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaas oo la sheegay in loo adeegsanayo hurinta dagaallo ka dhan ah maamulkaasi.
“Dowladda Federaalka waxay ciidamo ku soo abaabushay deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo sidoo kale wasiiro ka tirsan xukuumadda Dan-Qaran ay ku lug leeyihiin arrintaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Koonfur Galbeed, oo lagu xusay in xukuumadda federaalka ay wax ka jawaab ah ka bixin waysay xiriir ay la sameeyeen.
Si kastaba, ha’ahaatee xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo meelaha qaar ay ka dhacayaan dagaallo toos ah, halka deegaanno kale laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor le

