28.5 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Iiraan oo weerartay xarunta Nukliyeerka Israel ee Dimona, dhalisay khasaarihii ugu cuslaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Telefishinka dowladda Iiraan ayaa shaaciyay in gantaal lagu dhuftay magaalada Dimona ee dhacda koonfurta Israa’iil, halkaas oo ay ku taallo xarun nukliyeer, taasi oo lagu tilmaamay “jawaab” toos ah oo laga bixinayo weerar horay loogu qaaday xarunta nukliyeerka Iiraan ee Natanz.

Sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah, Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Iiraan ayaa xaqiijisay in xarunta kobcinta yuraaniyamta ee Natanz la bartilmaameedsaday, in kastoo ay xuseen in aan la soo werin wax dheecaan shucaac ah (radioactive leakage) oo halkaas ka dhashay.

Dhanka kale, milateriga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in gantaal laga soo riday Iiraan uu si toos ah ugu dhacay dhisme ku yaalla magaaladaas oo ay ku dhex taallo xarun cilmi-baaris nukliyeer, sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas, inkastoo mas’uuliyiintu aysan weli bixin faahfaahin buuxda oo ku saabsan khasaaraha guud.

Waa khasaarihii ugu badnaa ee gaara ee maalin qura Israa’iil ka soo gaara dagaalka.

Sidoo kale, ugu yaraan 33 qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii uu gantaal ku dhacay magaalada Arad ee koonfurta Israa’iil, sida ay sheegeen adeegyada gurmadka degdegga ah.

Afar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladoodu ay aad u liidatay, iyadoo shaqaalaha caafimaadku ay weli raadinayeen dad kale oo waxyeello soo gaartay.

Arad waxay qiyaastii 25 mayl waqooyi-bari kaga beegan tahay magaalada yar ee Dimona, oo ay si xun u duqeysay Iiraan.

Magaalada Dimona ayaa ku taalla mid ka mid ah goobaha ugu xasaasisan Israa’iil: Xarunta Cilmi-baarista Nukliyeerka ee Shimon Peres Negev, taas oo muddo dheer lala xiriirinayay barnaamijka hubka nukliyeerka ee Israa’iil aysan waligeed si fagaare ah u qiran.

Dowladda Israa’iil ayaa weli diidaysa in ay daah-furan ka sameyso arrintan, iyadoo aan qiranayn ama beeninayn hubkeeda, halka ay sii waddo ilaalinta mid ka mid ah xarumaha ugu ammaanka iyo dhufeyska adag ee gobolka oo ku dhex taalla saxaraha Naqab (Negev).

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay inay la socoto warbixinnada ku saabsan duqeynta Dimona, balse aysan weli wax xog ah oo ku saabsan burburka xarunta cilmi-baarista ee Negev ka helin dowladda Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Israa’iil ay sir adag ku dabooshay barnaamijkeeda nukliyeerka ee aan la shaacin, waxaa soo baxaya su’aalo ku aaddan xaddiga macluumaadka lala wadaagayo kormeerayaasha caalamiga ah. Hay’addu waxay xaqiijisay in maamullada gobolka aysan soo werin wax heerar shucaac ah oo aan caadi ahayn, xaaladdana ay isha ku hayso.

Duqeynta Dimona ayaa timid saacado un kadib markii weerar ay iska kaashadeen Mareykanka iyo Israa’iil lala beegsaday xarunta kobcinta nukliyeerka Iiraan ee Natanz.

Xukuumadda Tehran ayaa weerarkaas ku cambaaraysay inuu yahay “weerar dambiyeed”, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada nukliyeerka, oo uu ku jiro Heshiiska Ka-hortagga Faafida Hubka Nukliyeerka (NPT), waxayna ka digtay cawaaqib-xumo baaxad leh.

Hay’adda IAEA ayaa xaqiijisay weerarka Natanz, balse waxay werisay in aanu jirin shucaac ku faafay bannaanka xarunta, iyadoo bilowday baaritaan una soo jeedisay dhinacyada in ay is-xakameeyaan.

Iiraan ayaa horay uga digtay in ay beegsan karto Dimona haddii Israa’iil ay sii waddo weerarada ay ku hayso xarumaha nukliyeerka. Ilo-wareed milateri ayaa Sabtidii u sheegay Wakaaladda Wararka ee Tasnim in Iiraan ay beddeshay istaraatiijiyaddeeda, taas oo muujinaysa inay ka gudubtay siyaasaddii ahayd “jawaab isku-dhiganta”.

Sarkaalka ayaa xusay in Tehran ay hadda damacsan tahay in ay kor u qaaddo qiimaha iyo khasaaraha weerar kasta oo lagu soo qaado, isagoo ka digay in jawaabaha mustaqbalku ay noqon doonaan kuwo ballaaran oo waxyeello badan.

“Cadowgu waa inuu haatan gartay in haddii ay weeraraan hal kaabayaal, aan annaguna weerari doono dhowr ka mid ah kaabayaashooda; haddii ay weeraraan warshad sifeynta shidaalka ama gaaska, waxaan annaguna duqeyn doonnaa xarumo dhowr ah oo la mid ah, waxaana u dhigi doonnaa cashar burburiya,” ayuu yiri sarkaalku.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Iiraan waxay qalad kasta oo cadowgu galo uga jawaabtaa si lama filaan ah, waxayna dab qabadsiinaysaa danahooda.”

 

- Advertisement -

Read more

Local News