Beirut (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa ku adkeysaneysa sii socoshada weerarada Lubnaan, iyadoo saacadihii u dambeeyay si xun u duqeysay, xilli Mareykanka iyo Iiraan ay wada-xaajoodyo uga socdeen Islamabad, ayna Tehran dalbaneyso in la joojiyo duqeymaha.
Israa’iil ayaa si cad u sheegtay in aysan wax xabbad-joojin ah kala hadli doonin ururka Xisbullaah, xilli mas’uuliyiinta Lubnaan ay wada-hadallo kula yeelanayaan magaalada Washington usbuuca soo socda.
Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada weeraro cusub oo sababay khasaare dhimasho oo ka dhacay koonfurta Lubnaan, taas oo fashil madaxa u gelin karta wada-hadallada Islamabad ee dalka Pakistan.
Ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan saddex ka tirsan shaqaalaha gurmadka degdegga ah, ayaa lagu dilay weeraro ay Israa’iil geysatay maalintii Sabtida, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha ee Lubnaan.
Dhanka kale, warbaahinta dowladda Lubnaan ayaa werisay duqeymo ka dhacay in ka badan toban goobood oo ku yaalla koonfurta dalkaasi.
Arrimahan ayaa imanaya xilli safiirrada Israa’iil iyo Lubnaan ay habeen hore yeesheen wada-hadallo hordhac ah oo lagu sii diyaarinayo kulan la filayo inuu Talaadada ka dhaco Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka (Department of State), kaas oo looga arrinsanayo waddo loo maro nabad.
Safiirka Israa’iil u fadhiya Mareykanka, Yechiel Leiter ayaa sheegay in wada-hadalladani ay noqon doonaan bilowga wada-xaajoodyo rasmi ah oo lala yeesho dowladda Lubnaan, inkastoo aysan jirin xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo ka dhexeeya labada dal.
“Israa’iil waxay oggolaatay inay billowdo wada-hadallo nabadeed oo rasmi ah oo ay la gasho Lubnaan,” ayuu yiri Leiter, isagoo si cad u sheegay in aan wax wada-hadal ah lala geli doonin Xisbullaahi.
“Israa’iil waxay diidday inay xabbad-joojin kala hadasho ururka argagixisada ah ee Xisbullaah, kaas oo weli sii wada weerarada uu ku hayo Israa’iil, isla markaana ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan nabadda labada dal,” ayuu raaciyay.
Xildhibaan Xasan Fadlallah (Hassan Fadlallah) oo ka tirsan baarlamaanka Lubnaan, isla markaana ka tirsan garabka Xisbullaah ayaa Sabtidii sheegay in kooxdu ay si buuxda u diiddan tahay wada-hadallo toos ah oo dhex mara Lubnaan iyo Israa’iil.
Tallaabadan ayuu ku tilmaamay “xadgudub qaawan oo ka dhan ah heshiiska qaran, dastuurka iyo shuruucda Lubnaan,” isagoo intaas ku daray in ay sii hurinayso kala qeybsanaanta gudaha xilli Lubnaan ay u baahan tahay midnimo si ay uga hortagto gardarrada Israa’iil.
“Waxa uu cadowgu ku guuldareystay inuu ku gaaro goobta dagaalka, kama heli doono wada-hadallo uu la galo maamul aan lahayn awood go’aan qaadasho, isla markaana ku guuldareystay difaaca dadka iyo qaranka,” ayuu raaciyay.
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam ayaa Sabtidii sheegay inuu dib u dhigay safar uu ku tegi lahaa Mareykanka, halkaas oo la filayay inuu kula kulmo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio, si looga shaqeeyo “ilaalinta ammaanka iyo midnimada Lubnaan.”
Iyadoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed, haddana weerarada Israa’iil ayaan wali joogsan. Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa werisay in duqeymo xagga cirka ah ay burburiyeen dhisme la degganaa oo ku yaalla deegaanka Mayfadoun ee degmada Nabatiyeh.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa xaqiijisay saddex weerar oo dhimasho dhaliyay oo ka dhacay Nabatiyeh, waxayna si kulul u cambaareysay beegsiga joogtada ah ee Israa’iil ku hayso shaqaalaha gurmadka degdegga ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladda magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan ay weli kacsan tahay, iyadoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay dul heehaabayaan hawada, halka labada dhinac ay isweydaarsanayaan gantaallo iyo rasaas.
Lubnaan ayaa weli la daalaa-dhacaysa saameynta weerarradii waaweynaa ee Israa’iil ka fulisay guud ahaan dalka maalintii Arbacada, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 350 qof.
Warbixinnada warbaahinta ayaa muujinaya in Washington iyo Beirut ay Israa’iil ugu baaqeen inay hakiso weerarada ka hor wada-hadallada. Wakaaladda Reuters, oo soo xiganeysa Axios ayaa sheegtay in dowladda Lubnaan iyo maamulka Trump ay labaduba codsadeen hakad ku-meel-gaar ah oo colaadda ah, inkastoo Aqalka Cad uusan si rasmi ah u xaqiijin arrintaas.
Donald Trump ayaa sheegay inuu ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu yareeyo duqeymaha socda, isagoo ka digay in sii socoshadooda ay dhaawici karto xabbad-joojinta jilicsan ee u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan.

