Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda oo ahayd mid ballaaran ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciidan tiro badan oo leh tayo heer sare ah, kuna qalabeysan gaadiid dagaal oo gaashaaman iyo diyaarado dagaal oo ka mid ah kuwa casri ah, kuwaas oo saaka lagu arkay hawada sare ee magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa waxa ay muujineysaa sida loo diyaariyay awoodda, qalabka iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka, oo sanadihii lasoo dhaafay gaaray guulo waaweyn, laguna xoreeyay dhul ay muddo dheer argagixisadu ku dhibaateynaysay shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo madasha ka hadlay ayaa geesiyaasha Xoogga dalka ugu hambalyeeyay sanad guurada 66-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskoodii, isaga oo sheegay in u tahay inuu rajeynayo horumar iyo barwaaqo.
Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ku suntan adkeysi, isla markaana ay tahay guul weyn in maanta loo dabaal-degayo sanad-guurada 66-aad ee aasaaskooda.
“Geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed. Kaliya kuma difaacaan qori, balse sidoo kale way u gargaaran. Maanta guusha ay gaareen taariikhda ayaa qori doonta, Hambalyo” ayuu yiri madaxweynuhu.
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in cadowga laga xoreeyay goobaha ay ka joogaan dalka, maadaama ay socdaan howlgao xoreyn ah.
12-ka April, sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas-aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana hadda laga joogaa 66 sano, iyadoo sanadkan ay kusoo aaday, xilli muhiim ah oo dib usoo kabanayo milariga Soomaaliya.


