30.5 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

“Wasiir ama xildhibaan mid dooro”- Dhaqangalka dastuurka cusub oo saameeyay wasiirada DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka oo bayaan culus soo saaray ayaa ku dhawaaqay in maanta wixii ka dambeeyo uu dhaqan-gal yahay dastuurka cusub, iyadoo arrintan ay saameyneyso wasiiradda ku jira Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga oo 4 qodob soo saaray ayaa caddeeyay in hadda kadib xilalka la magacaabayo lagu saleynayo dastuurka cusub, iyadoo dhanka kale xubnaha isku ah wasiirrada iyo xildhibaannada la faray inay hal dhinac raacaan, maadaama dastuurka la ansixiyay uu dhigayo in xildhibaanku noqon karin wasiir.

“Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka midka ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ama Goleyaasha Wakiillada Dawlad Goboleedyada waa in ay banneeyaan xilka muddada ku xusan Qodobka 191aad, Faqradda 2aad si waafaqsan Qodobka 81aad, Faqradda 1aad, xarafka (f) iyo Qodobka 117aad, Faqradda 3aad, xarafka (a) ee Dastuurka. Sidoo kale, xilkii danbe oo la magacaabayo waa in loo raacaa habraaca ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Waxaa kale oo bayaanka intaas kusii darayaa “Tallaabo ama arrin kasta oo kasoo horjeeda Dastuurka waxa ay noqonaysaa waxba kama jiraan, waxaana waajib dastuuri ah noqonaysa in la saxo oo laga dhigo mid sharci ah”.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) Avv. Burhaan Aadan Cumar, asagoo tixraacaya waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga ee ku xusan Cutubka 15aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026), wuxuu la wadaagayaa hay’adaha dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed arrimaha soo socda:

(1) Tallaabo maamul kasta, magacaabis kasta iyo dhaar kasta oo ay fulinayso hay’ad dawladeed waa in loo raacaa axkaamta ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabo ama arrin kasta oo kasoo horjeeda Dastuurka waxa ay noqonaysaa waxba kama jiraan, waxaana waajib dastuuri ah noqonaysa in la saxo oo laga dhigo mid sharci ah.

(2) Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka midka ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ama Goleyaasha Wakiillada Dawlad Goboleedyada waa in ay banneeyaan xilka muddada ku xusan Qodobka 191aad, Faqradda 2aad si waafaqsan Qodobka 81aad, Faqradda 1aad, xarafka (f) iyo Qodobka 117aad, Faqradda 3aad, xarafka (a) ee Dastuurka. Sidoo kale, xilkii danbe oo la magacaabayo waa in loo raacaa habraaca ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3) Guddigu wuxuu soo saarayaa khariidad cad oo la xiriiirta kalaguurka iyo dhaqangelinta Dastuurka, wuxuu sidoo kale soo saari doona qorshaha wacyigelinta Dastuurka.

(4) Guddigu wuxuu ku dadaalayaa in muwaaaddin kasta uu helo nuqul ka mid ah Dastuuurka sida ugu sahlanna lagu gaarsiiyo dhammaan muwaadiniinta.

- Advertisement -

Read more

Local News