Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Xasan Maxamed Cali ayaa Talaadadii ka qayb galay shir degdeg ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Golaha Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu qabtay hab muuqaal fogaan ah (videoconference), iyadoo Soomaaliya ay caddeysay taageeradeeda ku aadan midnimada Carabta.
Intiisa badan waxaa shirka diiradda lagu saaray qaraar ay soo gudbisay Boqortooyada Baxreyn oo ku saabsan weerarrada ay Iiraan ku qaaday qaar kamid ah dalalka Carbeed iyo waajibaadka saaran Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee ku aaddan sharciga caalamiga ah.
Soomaaliya ayaa muujisay taageero buuxda oo ay la garab taagan tahay dalalka Carabta ee wajahaya weerarradan, iyadoo si adag u cambaareysay tallaabooyinka Iiraan.
Sidoo kale waxay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mar kale dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, sugidda marinnada ganacsiga badda ee caalamiga ah, iyo taageeridda dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo xasilloonida gobolka.
Waxaa kale oo ay carrabka ku adkaysay in midnimada Carabta ay tahay arrin istiraatiiji ah oo lama huraan ah, iyadoo ku baaqday in la qaato mowqif mideysan oo lagu difaacayo amniga qaranka ee dalalka Carabta laguna ilaalinayo nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan qawaaniinta.
Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale u caddeysay mowqifkeeda ku aadan xiisadda bariga dhexe, waxayna si xooggan u cambaareysay weerrada ay Tehraan ku qaaday qaar kamid ah waddamada gobolka, kuwaas oo dhaliyay khasaare xooggan oo saameeyay nolosha iyo dhaqaalaha gobolka oo dhan.
Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkan xoog gelisay siyaasadda arrimaha dibadda, iyadoo sameysay dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku heshay taageero ku aadan madaxbnaanida Soomaaliya, maadaama dowlado waa wayn iyo ururro caalami ah ay cambaareeyeen xadgudubka Israa’iil oo dhawaan safiir cusub usoo magacowsay magaalada Hargeysa ee Somaliland.


