30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xasan oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo bayaan soo saaray ayaa gogol u fidiyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si looga wada-hadlo xaaladda cakiran ee dalka.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo ka duulaya wada-tashiyadii uu la sameeyay odayaasha dhaqanka uu kulan ku casuumay Golaha Mustaqbalka, kaas oo dhici doono 10-ka May, 2026.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii u dambeeyey la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, wuxuu si rasmi ah ugu casuumayaa Golaha Mustaqbalka ka qeyb-galka kulan qabsoomi doona 10-ka May 2026”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sida ay caddeysay madaxtooyada kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreysay qabsoomida doorashada dalka, iyado oo sidoo kale caddeysay in muhiimada tahay in niyad wanaag la muujiyo.

“Kulankan wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in si niyadsami, daah-furnaan iyo mas’uuliyad leh looga wadahadalo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan geeddi-socodka dowlad-dhiska sida doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka, iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya”. ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray “Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah, natiijo wax ku ool ahna ay ka soo baxaan”.

Ugu dambbeyn Madaxweynaha ayaa adkaynayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadayo, iyada oo saacado kahor xubnaha mucaaradka ay iyaguna soo saareen go’aanno xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, waxayna sheegeen in marka la gaaro 15 May 2026 ay Madaxweynaha u aqoonsan doonaan qof shacab ah, uuna lamid noqon doono muwaadiniinta kale.

Waxaa kale oo ay si cad u sheegeen inay ku dhaqmi doonaan dastuurkii KMG ee horay loogu soo doortay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, iyaga oo diiday midka cusub ee dhawaan ee ay ansixiyeen labada Gole.

- Advertisement -

Read more

Local News