26.5 C
Mogadishu
Sunday, May 24, 2026

Erdogan oo shaaciyey xilliga la dhameynayo shidaal qodista Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in howlgalka qodista shidaalka ee Turkigu ka wado xeebaha Soomaaliya la filayo inuu ku dhammaado lix illaa sagaal bil gudahood, haddii xaaladaha cimilad ay saamaxaan.

Erdogan ayaa sheegay in howlgalkaas uu yahay mid taariikhi ah, maadaama uu yahay qodistii ugu horreysay ee Turkigu ka sameeyo biyo qoto dheer oo ka baxsan dalkiisa.

“Holwlgallada aan ka wadno xeebaha Soomaaliya waa kuwo taariikhi ah,” ayuu yiri Erdogan, isagoo ka hadlayay shir looga hadlayay kheyraadka dabiiciga ah oo lagu qabtay Istanbul.

“Haddii cimilada iyo xaaladaha hawadu saamaxaan, waxaan fileynaa in aan howlgalka qodista ku dhammeyno lix illaa sagaal bil gudahood,” ayuu raaciyay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in Ankara ay rajeyneyso inay shacabka Soomaaliyeed u keento war wanaagsan oo muddo dheer la sugayay.

“Rajadeennu waa inaan gaarsiino shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha nala ah warka wanaagsan ee ay muddo dheer sugayeen, iyagoo sanado badan la daalaa-dhacayay xasillooni darro iyo macluul,” ayuu yiri Erdogan.

Hadalkan ayaa muujinaya in Turkigu hadda si rasmi ah ugu jiro marxalad muhiim ah oo lagu tijaabinayo rajada shidaalka badda Soomaaliya, kaddib sanado ay arrintu ku koobneyd heshiisyo, sahanno iyo hadal siyaasadeed.

Ceelkii ugu horreeyay

Markabka Turkiga ee Cagri Bey ayaa billaabay qodista ceelka Curad-1, oo ku yaalla meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, meel aad uga fog dhul xeebeedka Muqdisho.

Ceelkan ayaa loo arkaa tijaabadii ugu weynayd ee illaa hadda lagu sameeyo rajada shidaalka badda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa hore u sheegay in ceelka la qodayo uu gaari karo kumannaan mitir oo qoto dheer, taas oo ka dhigeysa howlgal farsamo ahaan adag, kharash badanna ku baxayo.

Magaca Curad-1 ayaa si gaar ah u xambaarsan macne Soomaali ah, maadaama “curad” uu tilmaamayo ilmihii ugu horreeyay ee qoys u dhasha. Turkiga ayaa magacaas u adeegsaday inuu muujiyo in ceelkan yahay bilow cusub oo u dhaxeeya Ankara iyo Muqdisho.

Wasiirka Tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa hore u sheegay in howlgalka Soomaaliya uu furayo “bog cusub” oo ku saabsan raadinta shidaalka iyo gaaska ee Turkiga.

“Waxaan rumeysanahay in marxalad cusub oo tamareed ay ka billaabaneyso Soomaaliya,” ayuu yiri Bayraktar, isagoo sheegay in Turkigu rajeynayo natiijo wanaagsan.

Kheyraad qaran

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa inay howlgalka shidaalka u soo bandhigto mashruuc qaran, halkii laga dhigi lahaa arrin gobol ama deegaan gaar ah ku kooban.

Arrintaas ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama kheyraadka dabiiciga ah, dakhliga iyo sida loo qeybsanayo ay yihiin mowduucyo siyaasadeed oo xasaasi ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in kheyraadka dabiiciga ah uu yahay hanti qaran oo ay ka wada faa’iideysan doonaan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Kheryaadku waa hanti qaran, waxaana ka faa’iideysan doona dhammaan Soomaalida,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa u muuqday farriin ku socota siyaasiyiinta iyo maamullada xubnaha ka ah dowladda federaalka, xilli Soomaaliya ay weli la tacaaleyso muranno ku saabsan awoodaha dowladda dhexe, maamullada iyo qeybsiga dakhliga mustaqbalka.

Haddii shidaal laga helo badda Soomaaliya, dowladda federaalka ayaa wajihi doonta su’aalo adag oo ku saabsan sida loo maamuli doono dakhliga, cidda go’aanka yeelan doonta iyo sida looga hortagi doono in kheyraadkaasi noqdo il cusub oo khilaaf siyaasadeed.

Xiriir sii ballaaranaya

Howlgalka qodista shidaalka ayaa qeyb ka ah xiriirka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Xiriirka labada dal ayaa markii hore xoogga saaray gargaar bani’aadanimo, dhismaha kaabayaasha, waxbarashada iyo caafimaadka, balse sanadihii dambe wuxuu si weyn ugu fiday difaaca, amniga badda iyo tamarta.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka dhisay saldhiggiisa milateri ee ugu weyn dibadda, wuxuuna tababar siiyay ciidamo Soomaali ah. Sidoo kale wuxuu door muhiim ah ku yeeshay mashaariic horumarineed oo ka socda Muqdisho iyo meelo kale.

Hadda, howlgalka shidaalka wuxuu xiriirka labada dal siinayaa waji cusub oo dhaqaale iyo istiraatiiji ah.

Turkiga wuxuu doonayaa inuu xoojiyo joogitaankiisa gobolka Geeska Afrika, halka Soomaaliya ay raadineyso dalal awood u leh inay ka caawiyaan ka faa’iideysiga kheyraadkeeda badda.

Inkastoo hadalka Erdogan uu sare u qaaday rajada laga qabo shidaalka Soomaaliya, haddana khubarada ayaa og in qodista badda qoto dheer aysan ahayn hawl fudud.

Laakiin dowladda Soomaaliya iyo Turkiga labaduba waxay hadda howlgalka u arkaan tijaabo weyn oo lagu ogaanayo waxa ku jira badda Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News