Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, gaar ahaan aagga Mirinaayo oo uu shalay kasoo guuray Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Xiisadda ayaa lagu soo warramayaa inay u dhexeyso ciidamada dowladda iyo kuwa kale oo ilaalo u ah Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan halkaasi.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamada ammaanka dowladda ayaa halkaas ka wada baaritaano guri guri ah, iyada oo ciidanka ilaalada ee Odowaa ay ka biyo diideen in la baaro guriga Taliyihii hore, waxayna taas keentay in la dareemo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.
Goor sii horreysay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxa lagu ku sheegay in howlgalka socda uu yahay mid beegsi ah oolagu soo aruurinayo hubka sharci darrada ah ee ay wateen ciidamadii la dagaalamay kuwa amniga ee ku sugnaa halkaasi.
“Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo hubkii sharci-darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu qariyey goobo kala duwan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono cidkasta oo lagu helo hub sharci darro ah oo lagu qalqalgelin karo amniga caasimada, iyada oo dadweynaha laga codsaday inay soo sheegaan.
“Hay’adaha ammaanku waxa ay ka qaadayaan talaabo adag oo sharcigu ogolaanayo cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay kaydinta, qarinta ama fududeynta dhaqdhaqaaqa hub sharci-darro ah. Muwaadin haddii aad aragto goob lagu qarinayo Hub sharcidarro ah fadlan gaarsii hay’adaha Amniga adiga oo wacaya 991ama 199,” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Macallinka.
Xaaladda degmada Cabdicasiis ayaa weli qasan, iyada oo dadka deegaanka ay horay u barakacay ay ka maqan yihiin guryahooda, sababo la xiriira xiisadda taagan.

