26.9 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Mareykanka oo shaaciyey in uu hor-istaagayo taageerada QM ee howlgalka AUSSOM

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay joojin doonto taageerada ay Qaramada Midoobay siiso howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya laga bilaabo bilowga sanadka soo socda, sida ay muujinayaan laba dukumenti oo ay aragtay Caasimada Online.

Tallaabadan ayaa saraakiil xog-ogaal ah ku tilmaameen mid halis gelin karta sii jiritaanka howlgalka AUSSOM, oo kaalin muhiim ah ka qaata taageerada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka AUSSOM, oo ay ku sugan yihiin ku dhowaad 12,000 oo askari, ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiya difaaca xarumaha muhiimka ah, taageerada ciidamada qaranka iyo xakameynta weerarada Al-Shabaab, oo weli gacanta ku haysa qeybo ballaaran oo ka tirsan gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Laakiin howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS, kaas oo bixiya adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin raashin, biyo, shidaal, adeeg caafimaad iyo gaadiidka ciidamada.

Sida lagu sheegay qoraal diblomaasiyadeed oo ku taariikheysnaa 1 July, Washington ayaa Midowga Afrika ku wargelisay inaysan taageeri doonin sii wadista taageerada UNSOS wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan. Miisaaniyadda UNSOS ayaa lagu sheegay ku dhowaad 500 milyan oo dollar.

Mareykanka ayaa sheegay inuusan diidi doonin in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cusbooneysiiyo muddo xileedka AUSSOM, balse uu ka hor imaan doono wax kasta oo kordhin ah oo ay ku jirto taageero sahay, hawlgal ama adeegyo farsamo oo Qaramada Midoobay bixiso.

Saameyn ballaaran

Miisaaniyadda AUSSOM ee sanadkii hore ayaa lagu sheegay 190 milyan oo dollar, balse maalgelinta howlgalka ayaa muddooyinkii dambe noqotay mid aan degganeyn. Waxaa sidoo kale jiray gaabis iyo muran ku saabsan qaabka lagu dabooli karo kharashaadka ciidanka.

Washington ayaa sanadkii hore hor istaagtay qorshe la doonayay in lagu beddelo qaabka maalgelinta, kaas oo dhigayay in Qaramada Midoobay ay bixiso saddex meelood meel afar meelood, ama 75%, kharashaadka howlgalka.

Khamiistii, Guddiga Midowga Afrika ayaa xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU ku wargeliyay go’aanka Mareykanka, isaga oo ka digay inuu yeelan karo “saameyn weyn oo ku saabsan sahayda, joogitaanka hawlgalka iyo maalgelinta howlgalka”.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo Guddiga Midowga Afrika ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo loo diray.

Ahmed Koshin, oo horey u ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, haddana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka, ayaa sheegay in go’aanka Mareykanka uu Soomaaliya u yeelan karo cawaaqib culus.

“Tani waxay Soomaaliya ku yeelan doontaa saameyn aad u weyn,” ayuu Koshin u sheegay Reuters.

“Howlgalka nabad-ilaalinta wuxuu galay khatar, sababtoo ah ugu dambeyn waxaad u baahan tahay inaad taageerto oo aad sii waddo ciidamadan,” ayuu raaciyay.

Laba diblomaasi oo si toos ah ula socda howlgalka Midowga Afrika ayaa Reuters u sheegay in AUSSOM aysan sii shaqeyn karin haddii aan hay’ad kale buuxin kaalinta taageerada Qaramada Midoobay.

Dhaliil loo jeediyay Muqdisho

Qoraalka Mareykanka ee loo diray Midowga Afrika ayaa sidoo kale xambaarsanaa dhaliil adag oo loo jeediyay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo dib-u-habeynta hay’adaha amniga.

“In ka badan toban sano oo taageero caalami ah kaddib, Soomaaliya ma awoodin inay joogteyso horumar ka dhan ah Al-Shabaab, inay la wareegto mas’uuliyadda amnigeeda, ama inay sameyso dib-u-habeyn dhab ah oo lagu sameeyo waaxda amniga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in khilaafaadka gudaha iyo loolanka siyaasadeed ay wiiqayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

“Faa’iidada taageerada caalamiga ah waxay sii ahaan doontaa mid xaddidan ilaa madaxda Soomaaliya ay u midoobaan wax ka qabashada caqabadaha amniga iyo dowladnimada,” ayuu qoraalku sheegay.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka ay weli ku tiirsan tahay taageerada caalamiga ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo tababarka ciidamada, inkastoo ay sheegto inay kordhisay awoodda ciidanka qaranka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

AUSSOM ayaa billowday shaqadeeda 1 January 2025, kadib markii ay beddeshay howlgalka ATMIS. Waxaa loo sameeyay inay taageerto dowladda Soomaaliya xilli dalka uu ku jiro marxalad kala-guur ah oo la doonayo in mas’uuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

Haddii taageerada UNSOS meesha ka baxdo, waxay taasi abuuri kartaa cadaadis cusub oo saaran dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka, kuwaas oo horey uga cabanayay maalgelin aan joogto ahayn iyo kharashaad sii kordhaya.

- Advertisement -

Read more

Local News