24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsaneyn ciidan PSF

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in aanu jirin ciidan lagu magacaabo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamada maamulka Puntland.

Maamulka ayaa caddeeyay in hay’adaha amniga ee rasmiga ah ay yihiin kuwa lagu dhisay shuruucda Puntland, isla markaana aan la aqoonsan karin ciidan magac kale wata oo ka baxsan nidaamkaas.

War-saxaafadeedka Madaxtooyada Puntland ayaa si cad loogu yiri: “Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa inaysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamada difaaca Puntland.”

Maamulka ayaasheegtay in dhammaan arrimaha la xiriira ciidamada ammaanka ay ku saleysan yihiin dastuurka iyo shuruucda u degsan maamulka Puntland.

Hadalka Madaxtooyada ayaa ku soo beegmay xilli qaar ka mid ah waxgaradka beesha Cismaan Maxamuud ay shalay soo saareen war-saxaafadeed ay ku sheegeen in ciidamada PSF ay ka tirsan yihiin ciidamada Puntland.

Waxgaradka ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaanka PSF, si loo dejiyo xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo hoggaanka PSF ayaa soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2021, markaas oo Madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday Agaasimihii PSF, Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano. Go’aankaas ayaa xilligaas sababay muran siyaasadeed iyo mid amni oo saameeyay magaalada Boosaaso iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Bari.

Bishii Maarso 2022 ayuu Madaxweyne Deni mar kale magacaabay Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano, isagoo u magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kumaandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces – PSCF). Isla xilligaas ayay dowladdu dib-u-habeyn ku sameysay hay’adda, iyadoo u kala qaybisay laba qeybood oo kala ah PSCF iyo PISF, si dib loogu habeeyo qaab-dhismeedka ciidamada amniga.

Inkasta oo dib-u-habeyntaasi la sameeyay, haddana khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo hoggaanka PSF si buuxda uma dhammaan. Dhinacyada ayaa marar kala duwan isku dhacay, waxaana colaadahaasi sababeen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, gaar ahaan magaalada Boosaaso iyo nawaaxigeeda.

Toddobaadkii hore ayaa mar kale dagaal ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Boosaaso, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada Puntland iyo ciidamada PSF oo haatan taabacsan Dowladda Federaalka. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, haddana wuxuu sare u qaaday walaaca laga qabo amniga gobolka Bari iyo saameynta uu khilaafku ku yeelan karo xasilloonida Puntland.

War-saxaafadeedka cusub ee Madaxtooyada Puntland ayaa muujinaya in dowladda ay weli ku adkeysaneyso mowqifkeeda ku aaddan qaab-dhismeedka ciidamada ammaanka, xilli ay socdaan dadaallo ay wadaan waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka oo lagu doonayo in xal siyaasadeed looga gaaro khilaafka u dhexeeya dowladda iyo hoggaanka PSF, si looga fogaado isku dhacyo horleh iyo xiisado amni.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60