Muqdisho (Casimada Online) – Xukuumada Soomaaliya aya maanta waxay kulan ka yeelatay kiis Kufsi ah oo dhawan lagu eedeyay inay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM kaas oo uu ra’isul wasare Saacid uu u xilsaaray guddi ay madax u aheyd Wasiirka adeega Bulshada Xukkumada Soomaaliya.
Gudigii dhawaan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, uu u xilsaaray arinta kiiska kufsiga ayaa waxay sheegeen inay arintaas go’aan cad ay ka wadaan isla markaana waxaa kulankaas laga soo saaray Warsaxaafadeed ku qotomay arintan ku aadan Xad gudubka Dumarka .
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan
Dhaqan galinta talooyinka guddiga madaxa banana ee xaqiiqo raadinta tacadiyada xuquuqal insaanka waa mid naga go’an, umana dulqaadanayno xad-gudubyada ka dhankaa muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Farax Shirdon “Saacid” oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadii kadib markii ay guddigu soo bandhigeen warbixintii xuquuqul insaanka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan madaxa banana 7dii Feebaraayo 2013. Waxaana loo wakiisahay inay u kuurgalaan, dibna u eegaan xaaladda xuquuqal insaanka ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho mudo hal sano ah.
“Waxaan ka dalbanay inay keenaan xog lagu kalsoon yahay ayna warbixin madax-banaan ka soo saaraan xaalada xuquuqal insaanka ee sanadkii la soo dhaafay. Kadibna ay dawladda u soo jeediyaan talooyin wax ku ool ah, si wax looga qabto tacadiyada nooc kasta oo ay yihiinba,” Ayuu yiri Ra’iisa Wasaaraha oo intaas raaciyay in hawsha guddigu u gogol xaarayso nidaaminta, illaalinta iyo horumarinta xuquuqal insaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Guddiga ayaa Ra’iisal Wasaaraha munaasabadan ku gudoonsiiyay warbixintoodii oo qoraal ah, taas oo ay goob joog ka ahaayeen shank amid golaha wasiirada xukuumada, taliyeyaasha ciidanka, gubnaha baarlamaanka iyo bulshada rayidka. Wasiirka Horumarin Adeega Bulshada Dr. Maryan Qasim oo munaasabadan furtay ayaa sheegtay in dawladdu xilweyn iska saarayso ilaalinta xuquuqda insaanka. Halka Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Aminga Qaranka Cabdikarim Xuseen Guuleed uu sheegay in dawladdu la imaan doonto wax-qabad buuxa oo ku aadan illaalinta xuquuqal insaanka.
Warbixinta guddiga ayaa hoosta ka xariiqday inaysan jirin xadgudubyo dhanka dawladda ka yimaada oo si ula kac u-dhaca. Waxayse xuseen inay jiraan caqabado badan oo keenaya inay dhacaan xadgudubyo lid ku ah xuquuqul insaanka, iyo in muwadiniin Soomaaliyeed wayaan xuquuqahooda aasaasiga ah. Waana kuwo dhamaan la xariira duruufaha dalku ku jiro awgood.
Warsiirka arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay inaysan inay wax ka qabanaayaan he’adaha Buun Buuniya Kiisaska Kufsiga waxaana uu sheegay inay iyaga oo dano dhaqaalo ka leh ay haweenka ku qalqaaliyaan inay yiraahdaan waa nala kufsaday si QM ay xoogaa qarashaad ah uga helaan sida uu sheegay .
Halkaan ka dhageyso Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]