Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa digniin adag u dirtay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, xili Madaxweyne Kuxigeenka Puntland uu booqasho ku joogo deegaankaTaleex ee gobolka Sool.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo howlo nabadeed u jooga deegaanka God Heeli ee ka tirsan degmada Oog ayaa shir jaraa,id uu ku qabtay halkaasi wuxuu ugu hadlay booqashada uu Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku joogo Taleex, isagoo sheegay in ay arintaasi ay tahay xadgudub qayru sharci ah oo uu ku soo xad gudbay xuduuda Somaliland.
“Waa xadgudub qayru sharci ah oo uu ku soo xad gudbay xuduuda Somaliland ninka sheeganaya Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, arintaas waxaanu u aragnaa mid khatar ku ah nabad galyada u dhaxaysa dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland” ayuu yiri Cali Waran cadde.
Cali Waran Cadde ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay heegan buuxa geliyaan si ay ugu hortagaan xadgudub uu sheegay iney ku sameyneyso maamulka Puntland.
Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ku murunsan gacan ku haynta iyo lahaanshaha deegaano ka tirsan Gobolka Sool, Iyadoo la xasuusto in sanadkii 2007-kii maamulka Somaliland uu dagaal kagala wareegay Puntland magaalada Laascaanood, wixii xiligaasi ka danbeeyayna ay maamuleysay Somaliland.
Isha: Warfaafiye.com