Beydhabo (Caasimada online) Sida wararka aan ku heleyno waxaa magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ka dhacay kulan u dhexeeyay odayaasha, waxgaradka Beelaha Digil iyo Milifle iyo sidoo kale Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kulanka aya waxaa looga hadlayay sidoo loo sameyn lahaa Maamul ay ku mideysayihiin Gobola ee kala ah Sh/hoose, Baay, Bakool , Gedo iyo Labada Jubbo waxaana la sheegayaa in la isku afgartay arintaasi .
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Goboladaas ay midoobayaan isla-markaana waxgaradka goboladaas ay ku heshiiyeen inay Maamul ay dhistaan kaas oo ay ku mideysan yihiin .
Prof: Jawaari oo kulanka markii uu soo dhamaaday kadib war baahinta lahadlay wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha Baladn loo soo dhisi doono maamul goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya waxaana taas ay muujineysaa inuusana qoonsaneyn maamulka Jubba
Shiif Xasan Cali Ibraahim oo ka mid ah waxgaradka kulanka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin taageerada uu u muujiyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaiya ayna soo dhaweynayan , waxaana uu sheegay in iminka maamulkoodu uu aqoonsi ka heysto madaxda dowlada uu oo matalayo gudoomiye Jawaari.
Sidoo kale Afahyeenka Maamulka Jubbland ee Barre Aadan Shire Hiiraale, Xasan Maxamed Qaasim ayaa sheegay inay taageersan yihiin aabulka iyo kulamada Beydhabo ka socontayoo ee lagu dhisayo maamulka goonfur galbeed Soomaaliya
Wax garadka gobolada Baay iyo Bakool ee Beelaha Digil iyo Milifle ayaa hore waxay u sheegeen inay kasoo horjeedaan maamulka Jubba ee Axmed Madoobe uu hogaanka u hayo , waxaana ay sheegeen inay deeganada uu ka arimiyo ay maamulkooda gaarsiin doonaan .
Maamulka Jubba ayaanan wali ka hadlin kulamada beydhao ka soconaya iyo aqoonsiga Gudoomiye Jawaari ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .
Halkan ka akhriso mar-murtiyeedka shirka kasoo baxay


Caasimada online
Xafiiska Beydhabo

