London (Caasimada Online) Maxkamadda sarre ee dalka Britain ayaa caawa soo saartay go’aan ay ku qasbeyso bangiga Barclays in uu sii wado xiisaabaadka xawaaladaha Dahabshiil oo ka mid ah kuwa ka howgalada UK.
Aggaasimaha guud ee Dahabshiil oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhawaan ay dacwad u gudbiyeen maxkamadda sarre ee dalka Britain, kaasoo ah in bangiga Barclays uu ka laabto go’aanka uu xiraayo xisaabaadka Dahabshiil.
Wuxuu sheegay in maxkamadda warqad ay soo saartay lagu amray baanka Barclays, in uu sii wado wadashaqeenta uu la lee yahay xawaaladda Dahabshiil ilaa inta go’aan cad uu soo baxayo.
“Baanka waxaa lagu qasbay in uu la shaqeeyo Dahabshiil ilaa 15-ka bisha October, waayo annaga waxaan u shaqeenaa dad u badan masaakiin oo ay ku xiran tahay nolashadooda lacagaha la soo xawilo” ayuu yiri Cabdirashiid Ducaale.
Waxaa kaloo madaxda Dahabshiil uu sheegay in haddii la xiro xisaabaadkooda iyo haddii kale aysan saameen ku yeelan doonin maadama ay u shaqeeyaan Soomaali badan oo ku xiran adeega ay bixiyaan.
Mr. Ducaale ayaa sidoo kale xaqiijiyay maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay in ay ku kulmeen London, saraakiil ka socday dowladda Ingiriiska, madaxda xawaaladaha Soomaalida iyo hey’addaha gargaarka.
Wuxuu sheegay in kulankaas looga hadlay khatarta ka dhalan karta go’aanka bangiga Barclays.
Si kastaba, baangiga Barclays, ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in uu joojiyay xiisaabaadkii ugu dambeeyay ee xawaaladaha Soomaalida.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Naiorbi