XASAN SHEEKH iyo SAACID: Laba isma Qabaneysee kala Daaya!!

Mayeysan Xishoon Madaxda Dowladda ee Federaalka sida Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha, marka aan sidaa leeyahay dad badan ayaa ila yaabaya Sababtoo ah waxaa ka daadegin Dulucda Ujeedada Sheekadeyda Bishii Agoosto Madaxda Dowaldda iyo Xukuumadda waxay ku dhawaaqeen Mashruuc loogu Magacdarey Aadda Dugsiyadda (GO TO SCHOOL) oo SaddexdaSanno ee soo socota oo ay ku egtahay Jiritaanka Dowladda hadda Shaqeysa loogu dirayo Hal Milyan oo Caruur ah Waxbarasho Lacag la’aan ah taasoo haddii xitaa ay kala Bar hirgasho noqneysa Hiigsi wacan oo laga gaarey Dhinaca Waxbarashada

22 Sanno Caruur fara badan ayaa la’aa Waxbarasho Nooc walba leh sababtoo ah Goobihii Waxbarashada ee Sannadahaas ayaa waxay noqdeen kuwa ku Burburey Dagaaladii Sakeeye kuwii dib loo Aas –aaseyna waxay Noqodeen kuwa Jeebka gacanta la gelinayo oo lacag ah taasoo u saamixin Waaalidiin fara badan in Caruurtooda Dugsiyada u diraan.

Iyadoo sidaas ay jirto ayaa Calaamad Su’aal saarey Tayada Waxbarashada ee Lacagta ah oo lagu kala Fikir Duwan yahay , Dad bay waxay qabaan in Waxbarashada Jirtaa Xiligaan mid Jaantaa Rogan ah oo ku dhisan arrimo Ganacsi , halka kuwa kale ay qabaan in loo Mahadceliyo Dadkii Saldhiga u ahaa in Soomaaliya mar kale Waxbarashadeedii dib Boorka looga jafo, Waxaana dad badan ay Eedeynayaan in aan Wax Xil ah iska saarin Dowladihii ku meel gaarka ahaa oo soo taxnaa ilaa Xiligii Carta Tayadda Waxbarashidii jirtey.

Haddii la Saluugay Waxbarashadii Lacagta ahayd ee soo taxneyda Xiliyadii aan soo dhaafney waxay Su’aal ka taagan tahay sida ay noqon karto Waxbarashada lacag la’aanta ee ay Dowladu ku baaqdey , waxaan u jeedaa Tayadeeda , Habka iyo Hanaankeeda.
Iyadoo Madaxda Dowladu ku baaqdey in Dugsiyada loo Dareero ayaa hadana Dhinaca kale waxa Jahwareer uu ka taagan yahay Dugsiyadii la Aadi lahaa Boqolkii Sagaashan ay gacanta ku hayaan dad gaar ah waxaa ka sii yaab badan Qaar ka mid ah Dugsiyadii Iskaa wax u qabso lagu Dhisey Wasaaradda Waxbarashadu u hibeysey Shaqsiyaad leh Dugsiyo gaar ah loo leeyahay

Agaasinka Guud ee Wasaaradda waxbarashada Prof Maxamed Cabduqaadir Nuur ayaa Warbaahinta u sheegey in ay ku rajo weyn yihiin Mashruucaas uu lagu Guuleysto isagoo meesha ka saarin caqabad kasta oo imaan karta , waxaana uu ka gaabsadey in uu farta ku fiiqo inta Dugsi ee Lacag la’aanta ah ee Degmo kasta ku taalo si Cid waliba u Ogaato oo Waalidiintooda ugu Diraan Caruurtooda

Markaan u soo Daadego Biya Dhaca Sheekadeyda oo aan ku Eedeeyey Madaxda Dowlada ugu Sareysa waxaan ula jeeda Laba arrin oo aan Isqaban Karin ah in la yiraahdaan Aada Dugsiyada iyo in wadooyinka Muqdisho loo Xiro marka ay ka dhoofayaan Dalka iyo marka ay ku soo laabanayaan , iyagoo ku Marmarsiiyoonaya in wax waliba ay ka Horeeyaan wax ay ku Tilaamaan Sugida Amaanka.

Waxaa Hubaal ah in Mushruuca Aada Dugsiyada waa haddii uu hirgalee ay Dhabar jab weyn ku tahay Xiritaanka Wadooyinka Magaalada Muqdisho kaaso noqdey mid aan loo meel Dayin, waxaan Teleefoonka kula Xiriirey Agaasinka Tacliinta Sare Wasaaradda Adeega Bulshada Madane Ismaaciil Yuusuf Cismaan waxaan weydiiyey Saameynta aan wanaagsaneyn ee arrinta Jidgooyadu ku keeni karto Mashruuca Aada Dugsiyada waxaana uu ku jawaabey “ Xirnaanshaha Wadooyinka Saameyn aysan ku yeelan Waxbarashada lacagta kuma yeelaneyso Waxbarashada Lacag la’aanta ah ee Dowladu ku baaqdey” waxaa uu intaa ku darey “Ma jiraan maalin ay dhacdey Wadooyinka Muqdisho in la wada Xiro isagoo meesha ka saarey Xirnaashihi Maalinkii uu Madaxweynuhu uu ka soo laabtey Dalka Mareykanka” Waxaa dad badan ay Marag iiga yihiin in Ardeyda Muqdisho Waxbarasho seegeen Imaantinkii Madaxweyne Xasan Shiikh, taasoo haddiiba ay dhacayso ku habooneyd in ugu yaraan la ogeysiiyo Maamuladda Dugsiyada iyo Jaamacadaha .

Guntii iyo Gabagabadii haddii laga maarmo Codka Da’yarta oo la hubo in Mustqablka Beri yihiin sidaan halagu sii socdo , haddi kale sidaan ha la isku Dhaamo oo wax laga bedelo Dhaqanka aan la jecleysan , marka Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raiisul Wasaare Saacid laba isma Qabaneysee kala Daaya oo ah in Wadooyinka la Xirto iyo Dugsiyada Aada la yiraahdo.

WD Qoraa iyo Wariye Cabadinaasir Xirsi Iidle
E-Mail Naasirx1@hotmail.com
Tel 00252615503978

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online