Kuwait (Caasimada Online) Waxaa maanta oo Axad ah ka furmaya caasimada Kuwait, shir madaxeedka seddaxaad ee wadamada Carabta iyo Afrikaanka.
Shirka ayaa looga arrinsanayaa ishkaashiga dhanka hormarka iyo maalgashiga ee wadamada Carabta iyo Afrikaanka u dhexeeya.
Waa shirkii saddexaad oo ay yeeshaan dhinacyadan, iyadoo shirkii ugu horeeyay lagu qabtay waddanka Masar 1977-kii halka kii labaadna uu ka dhacay waddanka Liibya sanadkii 2009-kii.
Shirka Waxaa ka qaybgalaya wafdi ka socda Soomaaliya, waxaana hoggaaminaya guddoomiyaha golaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.
Boqortooyada dalka Kuwait ee shirka uu ka dhacayo ayaa waxa ay ugu deeqday dhowr Milyan oo dollar oo wax looga qabanayo musiibada ku habsatay gobolada waqooyi bari ee Soomaaliya ee Puntland.
Shirka oo socon doona maanta iyo berri waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed looga hadlaayo wax yaabaha looga hadlay shirka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Khaliijka

