31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Shir muhiim u ah Soomaalida Koonfur Afrika oo ka dhacay Pretoria

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Pretoria (Caasimada Online) Magaalada Pretoria ee wadanka Koonfur Afrika, waxaa lagu qabtay shir hal maalin socday, kaasoo looga hadlayay dhibaatada dadka Soomaalida ah ku haysata dalkaasi.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen xubno sar sare oo isugu jira diblomaasiyiin, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Koonfur Afrika iyo hoggaamiyayaasha jaaliyada Soomaalida, ayaa waxaa laga soo saaray qoddobo dhowr ah oo ku aadan sidii Soomaalidu ay uga bad baadi lahayd dhibaatooyinka dalkaasi ku haysta.

Hey’adda Helpsom oo shirkan soo qaban qaabisay ayaa goobta ku soo bandhigtay bal in wax laga ogaado dhibaatada Soomaalida lagu hayo wax yaabaha sababta u ah iyo sida loo badbaadin karo.

Dhammaan dadka ka qaybgalay shirka ayaa isku raacay in loo baahan yahay siddii loo badbaadin lahaa Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, iyagoona dowladda ka codsaday in la badbaadiyo Soomaalida ganacsatada u badan ee ku nool dalkan.

Soomaali badan oo ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ka walwalsan nolashooda kaddib markii dhawaan uu geeriyooday hoggaamiyihii dalkan Nelson Madela oo maalinta berri lagu aasi doono xaafadda uu ku dhashay ee Quuno oo Pretoria ku taalla.

Soomaalida waxa ay lee yihiin dadka Koonfur Afrika ayaa nagu cabsiinaya mar haddii uu u dhintay Mandela in dalka laga saari doono isla markaana la boobi doono dhaqaalahooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Pretoria

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News