Anita Kiki Gbeho oo ballan-qaadyo dhowr ah u sameysay Soomaaliya + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan muhiim ah la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay dib u heshiisiintii lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Baydhabo oo uu guddoomiyaha Golaha Shacabka garwadeenka ka ahaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaan.

Marwo Anita Kiki ayaa waxay guddoomiyaha ku ammaantay doorkii muhiimka ahaa iyo daadihinta shirkaas, ayada oo sheegtay in UNSOM ay ka go’an tahay kaalmo kasta oo ku aaddan dib u heshiisiinta dalka.

Sidoo kale waxay sheegtay in door muhiim ka qaadan doonto taageerida Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka iyo sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfada shaqaalaha iyo mudaneyaasha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Marwo Anita Kiki Gbeho uga mahad-celiyay, ayaa xusay sida UNSOM ay qeyb uga qaadatay taageerida shirkii dib u heshiisinta Koonfur Galbeed oo guul ku soo dhaamaday.

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale waxa uu boggaadiyay dadaalada beesha caalamka ay ku dooneyso hanaaanka geedi socodka nabada iyo xasiloonida dalka.

Dowladda federaalka ayaa xilligaan xoogga saaraysa in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshaha madaxweynaha ee dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.