Daawo: Yaa mas’uul ka ah dhibaatada ka taagan Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qayb-galay munaasabad lagu qabtay deegaanka Garasbaaley oo looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka maan-dooriyaha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ka taagan caasimada.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada ka taagan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay mas’uul ka tahay kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku eedeeyay inay halis ku yihiin Diinta iyo sidoo kale noloshada dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Niman la yiraahdo Khawaarij ayaan aaminsanahay inay asal u yihiin wax kasta oo xun oo jira ama iyagaa sameeyay ama inay sameysmaan ayey difaac u yihiin,” ayuu yiri Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxda Al-Shabaabay cabsi-gelin weyn iyo xorriyad ka qaadis ay ku heyso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dadka magaalada Muqdisho ku nool dhib ayey qabaan waxaa ugu horreeya cabsida ay Khawaarijta nagu heyso Diinka, baadda, marin habaabinta, tacadiga, xadgudubka, xorriyad ka qaadka wax kasta oo qiyam ah sharaf ah oo qof bani’aadam ah uu u baahnaa ayey halis ku yihiin oo ay dhibaato ku hayaan,” ayuu sii raaciyay Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Ugu dmabeyn wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa diray farriin guud, wuxuuna ku baaqay in dowlad iyo shacab la wada shaqeeyo, meelna looga soo jeesto Al-Shabaab.

“Farriinteyda waxaa waayey dadka magaalada Muqdisho waxaan u baahanahay xaqiiqada inaan isku sheegno annaga eedeena waan qaadaneynaa ee idinka diyaar ma u tihiin inaad cabataan oo aad dhahdaan dhibkaan ayaan qabnaa?” ayuu markale yiri Wasiirku.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay culeys xoogan soo saartay caasimada, waxayna todobaadyadii u dambeeyay ka fulisay weeraro qaraxyo ah iyo dilal.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa haatan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan xoogiisa uu ka socda gobollada dalka.