Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacday degmada Kaaraan, kadib markii uu gaari weyn dul-maray Bajaaj ay la socdeen shacab.

Wararka ayaa sheegaya in shilka uu yimid, kadib markii ay mootada hoosata ka gashay gaarigan oo siday biro aad u culus, wuxuuna kadib uu jiiray mootada iyo dadkii saarnaa.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay shilkan baabuur, halka uu ku dhaawacmay qof kale, kaas oo uu dhaawac halis ah soo gaaray, sida ay innoo shegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka dhintay ay go’go’een, taas oo keentay in saacado ay qaadato in laga soo saaro gaariga hoostiisa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, gaariga shilka geystay ee xamuulka ah ayaa waxaa leh shirkadda is-gaarsiinta Horumuud, isaga oo sida qalab iyo biro aad u culus.

Dhacdadaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa waddada oo muddo kooban hakad gashay, waxaana shacabka ay saameeyeen gurmadkii looga baahnaa.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo gacanta ku dhigay wadihii waday gaariga shilka geystay.

Maamulka degmada Kaaraan oo ka hadlay falkan, waxa uu sheegay inay wadaan baaris dheeraad ah ku aadan shilka, isla-markaana lasoo xiray darawalkii ka dambeeyay.

Shilal gaari ayaa badanaa ka dhaca caasimada, waxaana ugu dambeeyay shil habeen hore ka dhacay agagaarka Tarabuunka, kaas oo uu ku dhintay marxuum lagu magacaabi jiray Caadil, kaas oo kamid ahaa dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada, gaar ahaan TikTok.