Aqriso: Magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii Wasil isku qarxiyey oo la shaaciyey

Wasil (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Maanta soo bandhigtay magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo naftii haligii isku qarxiyey weerarkii ay kooxdaan Maalintii Axadda aheyd ku qaaday Magaalada Wasil ee Gobolka Mudug.

Idaacadda Andalus ee ku hadasho afka Al-Shabaab ayaa baahisay dardaaran uu reebay dagaalyahankii qaraxa ku daah furay dagaalkii Wasil, waxayna magaciisa ku sheegtay Sagaar Mad Huroow oo Al-Shabaab dhexdiisa looga yaqaanay (Cabdullaahi Jeeri) kaasoo ahaa 28 jir.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ninkaan uu ku dhashay degmada Rabdhuurrre ee gobolka Bakool halkaas oo uu markii ugu horeysay Al-Shabaab kaga soo biiray isagoo 16 jir ah.

Cabdullaahi Jeeri ayaa kasoo jeedo Qabiilka Hadamo ee beelweynta Raxanweyn, gaar ahaan wuxuu ka dhashay lafta Ligsi.

Weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday Magaalada Wasil ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur ku yimid qaar ka tirsan guryihii ku yaalay Magaalada.

Inta la xaqiijiyey weerarkaas waxaa ku dhintay 25 qof oo isugu jiro dad Shacab ah iyo ciidamadii dagaalamay, inkastoo ay Al-Shabaab sheegatay inay weerarkaas ku dishay 35 qof.

Magaalada Wasil ayaa waxaa hadda gacanta ku hayo ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa u abaabulan qaab qabiil, waxaana halkaas gaaray saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka kuso qaaday Magaalada Wasil ayaa la sheegay inay ka yimaadeyn degmada Bacaadweyn oo ay dhawaan la wareegeyn, waxaana socdo abaabul dagaal loogu qaaday Bacaadweyn si Al-Shabaab halkaas looga saaro.