Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani ayaa waxa uu bidhaaminayaa dhibta ay Shacabka Soomaaliyeed kala kulmaan Dowlada Somalia, gaar ahaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee ku dhisan qaabka Qabiil.
Sawirkaani ayaa waxaa lagu cabiray Hooyo Soomaaliyeed oo mid kamid ah Wasiirada Xukuumada Somalia ka dalbaneysa in Carruurteeda uu ugu diro waxbarasho, balse uu isna ku jawaabay kaliya inuu awoodo in Gabdhaheeda yaryar loo diro dalka Sacuudiga si halkaasi ay uga noqdaan Booyaas ku hoosnool carabta.
Wasiirka ayaa aqrinaaya Wargeys ay ku qorantahay Ethiopia, taasi oo qudheeda looga gol leeyahay in shaqsi ahaantiisa uu adeege u yahay Dowlada Ethiopia, si wanaagsana u adeecsan yahay.


