24.8 C
Mogadishu
Sunday, February 8, 2026

Caasimada Online oo heshay liiska magacyada ugaasyada ka hor-yimid qorshaha Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir lagu soo afmeeraayay shirarkii baryahaani ka socday magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu shaaciyay in Hiiraan aan laga qaadan qorshaha ay wadaan Xassan Sheekh iyo Odawaa, kaasi oo ku qotoma hagarta ay DFS ka dhex wado shirka Jowhar.

Odayaasha oo ku saxiixnaa liis dheer, ayaa sheegay in mar kale ay ku celinayaan inaysan ka qeybgali doonin shirka Jowhar, iyaga oo sabab uga dhigay faragalinta ay shirka ku heyso DFS, gaar ahaan Xassan Sheekh iyo Odawaa.

Ugaasyada liiska ku qoran waxa ay cadeeyen in shirka Jowhar uu yahay mid fashilmay islamarkaana aan u baahneyn in iminka dib loosoo nooleeyo.

Sidoo kale, waxa ay tilmaamen in DFS ay dooneyso inay ku dhaqaaqdo wixii kasoo maaxa maskaxdeeda, balse uusan arrinku sidaa aheyn.

Xassan Sheekh iyo Odawaa ayay sheegen inay wadaan qorsho ah Odayaasha la kala jabiyo islamarkaana ay u kala roonaadaan Beelaha kala dega labada Gobol.

Ugaasyada go’aanka diidmada qorshaha Xassan Sheekh iyo Odawaa ku dhawaaqay ayaa waxaa kamid ahaa:-

1- Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llahi

2- Ugaas C/naasir Ugaas Nuur

3- C/xakiin Ugaas Maxamed

4- Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

5- Wabar Maxa’ed Wabar Axmed Wabar Cabdi

6- Ugaas Cali Ugaas Xassan Raage

7- Islow Cusmaan oo ka wakiil ahaa Wabar Geedi

8- Ugaas Cali Ugaas Muxumed

Go’ankaani ayaa waxa uu caqabad hor leh ku noqonayaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiir Odawaa oo iyagu doonaaya inay afqabtaan Beelaha, islamarkaana ay ku shubaan rabitaankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News