Barnaamijka Kaftanka Sports-ka ee Abdikadir Boss oo dib loo billaabi doono

Helsinki (Caasimada Online) – Barnaamijka Kaftanka Sports-ka oo muddo ahaa kan ugu shacbiyada badan ee laga daawado baraha bulshada Soomaalida ayaa mar kale dib u soo geli doona isbuucyada soo aadan.

Daadihiyaha Badnaamijka Abdikadir Boss ayaa sida uu ku cadeeyay bartiisa Facebook in codsiyo badan kadib uu go’aansaday in barnaamijkaas dib u soo galo hawada si dadku helaan madadaalo hilmaamsiin karta dhalinta qabiilka iyo siyaasadda.

“Kadib codsiyo badan oo ii yimid, waxaan go’aan ku gaaray inaan barnaamijka dib u billaabo, farxad ayeyna ii tahay in sidaas loo xiiseeyo barnaamijka, oo dad badan ay tabeen,” ayuu yiri Abdikadir Boss oo la hadlay Caasimada Online.

Kaftanka Sports-ka ayaa looga sheekeeyaa dhacdooyin siyaasadeed ee dalka oo loo rogo hab cayaaro iyo kaftan ah, taasi oo aad usoo jiidata dad badan, kana qoslisa.