CABDI WELI oo damacsan magacaabis muran badan dhallin doonta (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay dad xog ogaal ah ayaa muujinaya in maalmihii ugu danbeyay Xafiiska Raisalwasaraha Somalia ay ka socotay qaban qaabo ku adan  safar uu dhawaan  Raisalwasaraha Somalia ku tagi doono Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa waxaay intaasi ku darayaan in wafdi hordhac u ah Ra’iisal wasaraha Somalia in ay gaareen gobolka Gedo kuwaas oo u sii gogol xaari doono  boqashada uu RW somalia ku iman doono Magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Safarka Ra’iisal wasaraha ayaa la sheegay in uu iskugu jiro labo qaybood  ayado qaybta kowaad ay tahay dib u heshisiin laga dhex sameyo dhinacyadii ku dagaalamay  Balad Xaawo  halka qayba labad lagu sheegay  dhisme Maamul heer gobol ah oo uu u dhisayo Gobolka Gedo .

Sida uu warka sheegayo, Cabdi Weli Sh Axmed ayaa waxa uuu Gudoomiyaha Gobolka Gedo u magacaabi rabo Siyaasiga Hilowle Adan Maxamuud.

Siyaasiga Hilowle Adan Maxamuud ayaa ka soo jeeda Gobolka Gedo waxaana dadka badankiisa ay ku barteen ka hadalka arrimaha Jubboyinka iyo difaacida Maamulka Axmed Madoobe, ee tacaddiyada bani aadannimo ka wada Kismaayo.

Ilo- xog ogaal ah ayaa sheegay in u jiro mushaarax kale oo loo badinayay in loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Gedo, balse hada rajadiisu ay soo yaraatay ka dib marka Maamul Goboledka Puntland iyo Axmed Madoobe ay Ra’iisal wasaare Cabdiweli u so gudbiyeen in u magacaabo  Hilowle Adan Maxamuud oo ay  labadaasi dhinacba xulufo yihiin…

Ma cada Gudomiyaha Gobolka Gedo  Maxamed Cabdi Kaliil sida uu u aqbali doono  Magacabista  Gudomiyaha cusub ee Gobolka Gedo  ayado heshiiskii Adis Ababa uu dhigayo in Gudomiyaha Gobolka Gedo  Maxamed Cabdi Kaliil aan la badali karin inta uu Axmed Madoobe joog

Magacaabistan ayaa waxaa sidoo kale aad uga soo horjeeda beesha Sade, oo aaminsan in Hilowle uu taageero u yahay dacaddiyada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com