Kenya oo loogu baaqay in ay jiijiso xarigga iyo tacaddiyada Soomaalida

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay soo afjarto xarigga iyo dhibaateynta lagu hayo dadka Soomaalida ee ku nool dalkeeda.

Warbixin ay soo saartay HRW maanta oo Talaado ah, ayaa looga hadlay dhibaatada joogtada ah ee ay la kulmaan qoxootiga ku nool Kenya gaar ahaan Soomaalida

Human Rights Watch waxay sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ay bar-tilmaameedsanayaan bulsho goonni ah, ayna dhibaateyn iyo midab-takoor u geysanayaan dad aan waxba galabsan, iyagoo marmarsiyo ka dhiganaya ammaanka qaranka.

Warbixinta hay’adda ayaa lagu xusay in ciidanka Kenya ay weerareen guryo, iyo dukaamo, ayna bililiqeysteen taleefanno nooca gacanta ah, lacag iyo waxyaabo kale, isla markaana ay xireen suxufiyiin, shaqaale hay’adeed iyo dad heysta dhalashada dalka Kenya.

Madaxa Afrika ee hay’adda Human Rights Watch, Daniel Bekele ayaa sheegay in howlgallada ka socda Kenya ee billowday 1-dii bishii April ay yihiin kuwo wax u dhimaya xuquuqda aasaasiga ee dadka Kenyaanka ah, qaxootiga iyo shisheeyaha kale, isla markaana uusan waxba kusoo kordhineyn sugidda ammaanka.

Hay’adda waxay ka dalbatay dowladda Kenya in hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay awood buuxda u siiso maareynta arrimaha qaxootiga,oo ay ku jiraan kuwa xiran, kuwa magangelyo-doonka ah iyo qof kasta oo doonaya badbaado isagoo dhibaato ka cararaya, iyagoo aan dhammaantood loo eegeyn xilliga ay soo galeen Kenya.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in uu howlgalka si gaar ah u saameyay Soomalida, dadka Soomaali Kenyaanka ah iyo muslimiinta kale ee ku nool xaafadaha Islii, South C iyo magaalada Mombasa ee dalka Keny.

Hey’addu waxaa kaloo ay sheegtay in jiraan labo dumar ah oo dhintay in ay socdeeyn howgalka Usalama Watch, waxaana ka mid ah haweeney laga tuuray baabuurta booliska, sidoo kale waxaa jirra gabar yer oo hooyadeed intii la xiray iyadana ay ku dhimmatay waddada sidda lagu sheegay warbixinta HRW.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com