Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan oo xog cusub ay kusoo korartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan xukumadda Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay xildhibaanada ku kacsan Xasan Shiikh Maxamuud u dajin lahaayeen waxana jira kulamo lala qaatay xildhibaanada oo lagu qaboojinayo is-casilaada ay dalbadeen.

Wasiirka Cadaalada DF Faarax Cabdiqaadir Maxamed oo ah hogaamiyaha Damu-Jadiid ayaa siyaabooyin kala duwan u qaabilay Xildhibaano badan waxaana uu kala hadlay inay tanaasulaan.

Wasiirka Wasaarada Amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Axadii dib kaga soo laabtay safar uu muddo 5 cisho ah ugu maqnaa Magaalada London ayaa waxa uu gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay uu kulamo kala duwan la qaadanaayay Xildhibaanada ku dhaliilay Dowladda inay fashilmatay muddo 18 bilood kadib.

Wasiirka oo Xildhibaanada qaarkood ku booqday Hoteelada Magaalada Muqdisho ay ka degan yihiin ayaa waxa uu kala hadlay waxa keenay inay buuq ku furaan Dowladda xilli ay Madaxdu qabaan in Dowladdu ku shaqeyneyso marxalad adag.

Sidoo kale waxaa jiray kulamo uu madaxweynaha Soomaaliya uu la qaatay qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ka hor inta uusan u safrin magaalada Kampala.

Ilo lagu kal soonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in qaar ka mid ah xubanaha baarlamaanka oo gaaraya illaa 33 ay ku qanceen kulamdaan gaar gaar ah ee lala qaatay ayna badaleen mowqifkoodii ahaa inay ridaan dowlada, hase yeeshee intooda badan ay ku gacan seereen. Waxaa jira sidoo kale in xildhibaanno cusub ay kusoo biireen mooshinka, taasi oo kuwii la qanciyey waxba kama jiraan ka dhigeysa.

Waxaa wararku ay sheegayaan in xildhibaanada weli diidan madaxeynaha ay tiro ahaan ku filan yihiin inay dhaqaajiyaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa jira ayaa la leeyayay xildhibaano wali ku adkaysanaya arintaan kuwaasi oo madaxweynaha iyo wasiirada ku dhow dhow ay la qaadanayaan kulamo kala duwan.

130-xildhibaan oo ka tirsaan baarlamaanka DF oo isugu jira in ka badan Shan kooxood oo koox kasta ay leedahay dan gaar ah ayaa madaxweynaha u soo jeediyay inuu is casilo ka dib markii ay sheegeen in dowladu ay ku fashilantay howlihii ay balan qaaday dhamaantood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com