Cabdi Xaashi iyo Mahdi ‘oo HESHIIS cusub gaaray’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la yeeshay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka dhaxeeyey khilaaf ka dhashay cidda maamuleysa doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Woqooyi.

War kasoo baxay Xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in kulanka mas’uuliyiintaan looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, sidoo kalena heshiis looga gaaray khilaafkii ka dhex-oognaa.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Muadne Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, iyadoo xal laga gaaray madmadowgii jiray, waxaana iskuna afgartay in horay sii wado howsha doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Qoraalka Xafiiska Rooble laguma faah-faahin waxa ay ku heshiiyeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo kala hoggaaminaya laba dhinac oo ay u kala jabeen siyaasiyiinta Reer Woqooyiga ee Muqdisho ku sugan, balse waxaa la rumeysan yahay in heshiiskooda uu sal u yahay inay kuraasta u kala qeybsadaan si siman.

Labada nin waxay in muddo ah isku hayeen awoodda maamulka doorashada reer waqooyiga, Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa hore u xaliyey khilaafkooda, doorashada ayaana socotay waayadaan.

Si isku dhow ayey xubno ugu yeesheen Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka, laakiin markii la yimid doorashada Aqalka Hoose waxaa Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed lagu eedeeyey sad-bursi iyo inuu rabo in kursi walba isagu qorto odayaasha iyo ergada, si uu u soo saaro xildhibaanada uu rabo madaxweyne Farmaajo.

Xubno kamid ah kuwa reer Waqooyiga oo aan la hadalnay waxay noo sheegeen in Mahdi rabo inuu kaligiis maamusho doorashada Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

“Markii la qorayo odayaasha soo xulaya ergada kursi walba, wuxuu rabaa Mahdi Guuleed in loo qoro cuqaasha taageersan musharaxa uu wato, si ay u soo qoraan ergo la hubo inay dooran doonaan xubinta uu wato,” ayuu yiri kamid ah xubnaha aan la hadalnay.

Cabdi Xaashi ayaa la sheegay inuu kula dhagay markaan, wuxuu miiska la yimid dood la sheegay inay maangal tahay. Dooda Cabdi Xaashi waxay tahay noo qeebi cuqaasha xuleysa ergada kursi walba, haddii aadan ogoleyn noo qeebi kuraasta oo nin walba kuraasta xagiisa ka imaaneysa isaga ha maamusho cuqaasha iyo ergada.

Mahdi waxaa la sheegay inuu taas ka biyo diiday. Cabdi Xaashi markii uu waayey qeybtiisii oo loo diiday in dhexda la dhigo kuraasta iyo maamulka doorashada reer Waqooyiga wuxuu ku qasbanaaday inuu doorashada hakiyo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii