Camey oo shaaciyay war culus oo la xiriira dagaalka Somaliland iyo Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar “Camey”, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka socda deeganka Tukaraq ee gobolka Sool.

Camey ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid sii socon doona oo aan ka joogsan doonin deegaanka Tukaraq, sida uu hadalka u dhigay.

Camey, waxa uu sheegay in joogsiga dagaalka uu yahay mid ku xiran Somaliland oo ka baxdaa deegaanka Tukaraq waxaana hadalkiisa kamid ahaa ‘’Dagaalka ma joogsan doono inta Somaliland ay ku sugan tahay Tukaraq iyo nawaaxigeeda’’

Cameey, oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay “Laba dagaal ayaa dhacday, wey adag tahay in dagaalka uu joogsado, waxaan qabaa hadii caalamka uu isku yimaado xaqiiqada marna Puntland kama leexan doonto, xaqiiqadana waxa weeye inta Somaliland ay heysato taako ka mid ah dhulka Puntland dagaalka ma is taagi doono,”

Waxa uu sidoo kale Mr Cameey ugu baaqay saaxiibada Caalamka in ay yimaadaan gobolka Sool, si ay u qiimeeyaan xaalada, wuxuuna Somaliland ku eedeeyay inay xabsiyada dhigto dadka jilicsan oo ay ugu horeeyaan haweenka.

Haddalka Cameey ayaa u muuqanaaya mid sii fogeynaaya colaada ka taagan deegaanka Tukaraq, isagoo deegaankaasi ku sheegay mid lama taabtaan u ah Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com