Qorshaha madaxda mamul goboledyada ee Galmudug oo digniin laga bixiyey!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo horboodaya garab ka mid ah madaxda maamulka ee uu Khilaafka ka dhexeeyo ayaa sheegay in Khilaafka maamulka uusan waxba ka khuseyn maamul Goboleedyada kale.

Carabeey oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay in xaaraan ay tahay in Hogaamiyayaasha maamulada ka jira dalk ay faragalin kusoo sameeyan Khilaafka Galmudug.

Waxa uu Carabeey, tilmaamay haddii ay dhacdo in Hogaamiyayaasha ay ka maarmi waayan faragalin inay noqdaan kuwo dhexdhexaad ah, haddii la waayo ay iminkaba muhiim tahay inay banaanka ka joogan khilaafka.

Waxa uu cadeeyay Carabeey in Hogaamiyayaasha qaar ay isku dayayaan inay la saftaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf, hase ahaatee Deegaanada maamulka ay ka mamnuuci doonaan Maamul Goboleedyada waa haddii ay Khilaafka kusoo sameeyan faragalin aan  dhexdhexaadnimo laheyn.

Carabeey ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan u digo Madaxda dowlad goboleedyada oo maalmahan laga dhiganayay garab, Galmudug hal nin malahan, mana ahan inaad garab ka mid ah taageertaan’’

Waxa uu intaa ku daray ‘’Waxaan idinka codsaneynaa Madaxda dowlad goboleedyada inaad dhammaantiina taageertaan mowqifka Galmudug, hadii aad arrintan soo faragelineysaan si dhexdhexaadnimo ah ku soo gala.”

Waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan qof walba oo dhexdhexaadinaya xaalada Galmudug, wuxuuna dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka ka dalbaday in ay arrintan soo farageliyaan, si daaqada looga saaro mad madowga jira.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa inuu sii xoogeysto Khilaafka oo weli taagan waxa ayna Madaxda maamulka u kala jabeen laba garab oo ay kala hogaaminayaan Xaaf iyo Carabeey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com