Prof. Samatar oo shaaciyey sir la xiriirta gudoomiyaha cusub ee maxkamada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillahi Farmaajo uu Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed, ayaa waxaa magacaabidaasi ka hadlay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ka hadlaayay aragtidiisa ku aadan magacaabida ayaa sheegay in magacaabidaasi ay tahay Jariimo laga galay Garsoorka Somalia.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu tilmaamay in lagu tuntay Garsoorka Somalia, isla markaana aan magacaabida Guddoomiyaha cusub loo cuskan sharciyada loo maro magacaabida Guddoomiyaha cusub.

Wuxuu sheegay in magacaabida Guddoomiyaha Maxkamada ay aad uga duwan tahay magacaabid kale, sidaa aawgeed waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan taageersaneen hanaanka magacaabida loo maray.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu dhaliilo badan oo dhinaca Garsoorka ah u jeediyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare, waxa uuna cadeeyay in Guddoomiyaha magacaaban uusan waligii ka shaqeyn Maxkamad.

Waxa uu Prof. Cabdi Ismaaciil yiri ‘’Anigu garan mayo halka Baashe Yuusuf uu uga soo shaqeeyay Maxkamad ama uu ka keenay khibrada, wey ii dhiman tahay Garsoor ceynkiisu yahay kan maanta ka jira Somalia, waxaanu leeyahay ha lagu labto magacaabida Baashe’’

“Ma arag halka uu uga soo shaqeeyay howlo Maxkamadeed, xitaa waxaan ku sameeyay baaritaan iima soo muuqan khibrada uu arrimaha Garsoorka u leeyahay Baashe”

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in lagu tuntay Garsoorka Somalia, isla markaana Garsoorka laga galay khaladweyn oo sii kordhin doona cabashooyinka iminka laga qabo cadaalada ka jirta Somalia.

“Nin aan waligii maxkamada kasoo shaqeyn kasoo booti oo dusha kaga tuur Maxkamada Qaran waaye arrintaan loomana fiirin dhinacyo latashi iyo mid aragtib”

Sidoo kale, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu baaqay inuu dib u sameeyo la tashi si buu yiri loo saxo khaladaadka jira.

Haddalka Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Garsoorayaasha Maxkamada ay aad usoo dhaweeyen Xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Ibraahim Iidle Suleymaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com