Maxaa ka jira in Pakistan ay gacan ka gaysatay dilkii Sheekh Usama Bin Laden?

Hay’adda sirdoonka dalka Pakistan ayaa baaritaan ku furtay madixii hore ee hay’addan awoodda badan ninka lagu magacaabo Jeneraal Asad Durrani, kadib markii uu buug la qoray ninkii dhiggiisa ahaa ee dalka Hindiya.

Sheeko taxane ah oo dhexmartay labada nin ayaa waxaa buug ka qoray wariye u dhashay dalka Hindiya, waxaana ka mid ah moowduucyo aad xasaasi u ah.

Jeneraal Asad ayaa waxa uu buugga ku sheegay in sirdoonka Pakistan ay Maraykanka gacan ka siiyeen sidii loo dilli lahaa ama loo dhiibi lahaa hoggaamiyihii Alqaacidda Usama Bin Laden, kaas oo la sheegay in hawlgal ciidan lagu dilay.

Dowladda Pakistan ayaa carro ka muujisay hawlgalkaas, waxayna sheegtaa in aysan waxbo kala soconin dilkii Usama Bin Laden.

Jeneraalka hawlgabka ayaa hadda xitaa laga mamnuucay in uu dalkaas dibedda uga boxo, waxaana ku socda baaritaan.

Haddii buugga uu qori lahaa hoggaamiye rayid ah, waxa ay ahaan lahayd qiyaamo qaran. Tusaale dhawaan markii Ra’isulwasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif uu sheegay in militariga dalkaas ay gabbaad siiyaan kooxo xagjir ah, kuwaas oo ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel Taj Mahal ee magaalada Mumbai ee dalka Hindiya sanadkii 2008-dii. Hadalkaas kadib ayaa waxaa Shariif looga yeeray xarunta guddiga amniga qaranka, halkaas oo su’aalo lagu weeydiiyay, welina lagu heysto hadaladaas.

Haatan Shariif waxa uu codsanayaa in sidii isaga looga falceliyay hadalkiisa oo kale la yeelo hadalka Jeneraal Asad.

Buugga la qoray ayaa lagu magacaabaa Spy Chronicles, waxayna wada qoreen madaxii hore ee sirdoonka Hindiya Jeneraal AS Dulat.