26.8 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Caqabad hortaagan guddiga xuduudaha Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online)  – Cabasho ba’an ayaa waxa ay kasoo yeereysaa Guddiga Madaxa-bananan ee Xuduudaha Somalia, kadib markii ay sheegen inaysan helin wadashaqeyntii kala dhexeysay Dowlada.

Guddoomiyaha Gudiga Khaliif Cabdikariin Maxamed oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Gudiga ay la kulmayaan caqabado dhowr ah oo kaga imaaneysa dhanka Dowlada iyo Bulshada.

Waxa uu sheegay in caqabada ugu weyn ay tahay wada shaqeyn la’aanta ka heysata dhanka Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna farta ku goday in meesha ay ka baxday xog uruurintii uu gudiga sameyn lahaa.

Khaliif Cabdikariin waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay shaqo bilowgeeda ka hor inay tagaan Gobolada dalka si uu yiri oo daraaseeyo shaxda Soohdimaha ay sameyn doonaan, balse aysan heynin shacabkii ay xogta ka uruurin lahaayen islamarkaana Dowlada aysan u saamaeynin wadooyinkii ay ku shaqa galin laheyd gudiga.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in wali ay jiraan muran dhinaca xuduudaha ah oo u dhaxeeya Maamul Goboleedyada dalka ka jira, taasi oo caqabad hor leh u keeneysa Gudiga.

Haddalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya xili dhawaan maamulka Puntland diiday Guddiyo dhowr ah oo uu kamid yahay Guddiga Xaduudaha iyo Federaalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News