Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo laga helaayo dhanka Dowlada Somalia ayaa sheegaya in Dowladu ay Hub u dirtay maamulka Puntland kaasi oo loogu tallo galay inay isaga caabiyaan maleeshiyaadka duulaanka ku ah Puntland.
Wararku waxa ay sheegayaan in Hubkaasi laga saaray Bakhaarka Keydka Hubka ee Dowlada, waxaana bixinta Hubkaasi gacan ka geystay wakiilka Dowlada Imaaraadka Carabta u jooga Somalia.
Saanadaani Millitery ayaa la sheegay inay ku jiraan Hubka daran-dooriga u dhaca ee wax lagu gumaado, si Ciidamada Puntland ay ugu adeegsadaan mintidiinta ku jira gododka buuraha.
Hubka intiisa badan ayaa ah kuwa loo adeegsada dhulka adag si dhulka loogu dhigo buuraha aan karin xabadaha caadiga.
Shixnadaani hubka ah ayaa waxaa lagu qaaday ilaa 2 Diyaarad oo ay kireysay Imaaraadka si looga jawaabo qeyla dhaanta kasoo yeertay Madaxweynaha maamulka Puntland.
Diyaaradahaani Hubka sida ayaa la sheegay inay ka dageen Garoonka magaalada Garoowe, iyadoo dhowr saac la hakiyay shaqooyinka Garoonka si ay Ciidamada ula dagaan Hubka kaga imaaday dhanka Dowlada Somalia oo garab ka heleysa Safaarada Imaaraadka Carabta.
Dowlada Somalia ayaan wali ka hadal Hubka, inkastoo uu Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka horay u sheegay inay ka jawaabayaan qeyla dhaanta kaga imaaday maamulka Puntland.
Docda kale,waxaan sidoo kale Hubkaasi wali ka hadal Maamulka Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

