Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Col. Cumar Faraweyne ayaa kawar bixiyay halka uu maraayo Dagaalka u dhexeeya Ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaadka ka dhex dagaalamaaya deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal.
Cumar Faraweyne waxa uu sheegay in saacadihii ugu danbeeyay dagaalka uu ahaa mid ka socday Dooxada Bad-qabo oo duleedka 40KM ka xigta degmada Godob jiraan ee gobolka Nugaal, waxa uuna tilmaamay in dagaalkaasi lagu khaarijiyay inkabadan 20 maleeshiyaad ah.
Cumar Faraweyne, waxa uu sheegay in dhaawaca uu faraha kabadan yahay islamarkaana aan lasoo koobi karin halka uu gaarsiisan yahay dhaawacooda.
Cumar Faraweyne waxa uu tilmaamay in marba marka xigta ay ciidamada kusii siqayaan dhanka ay ku dhuumanayaan maleeshiyaadka waxa uuna farta ku goday in khasaaraha uu u badanyahay dhanka maleeshiyada.
Geesta kale, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne, ayaa wacad ku maray in ciidamada maamulka aysan maleeshiyaadkaasi u ogolaan doonin inay ka dhexbaxaan gododka ay ku dhuumaaleysanayaan balse ay diyaar u yihiin in halkooda ay ku xasuuqaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

