28.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Dagaalka u dhexeeya Puntland & maleeshiyada duulaanka qaaday oo goordhow dib u bilowday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii sedexaad galay Dagaalka u dhexeeya Ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaadka duulaanka ku qaaday deegaanada maamulka.

Dagaalka ayaa lasoo warinayaa inuu bilowday kadib markii maleeshiyaadka ay isku dayeen inay ka baxsadaan goobaha ay hadda kaga sugan yihiin Nugaal.

Deeganka Bad-qabo oo kamid ahayd meelihii shalay lagu dagaalamayay ayaa saaka Markale laysku fara saaray Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Col : Cumar farawayne ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku hada si toos ah uga socdo Bad-qabo.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in Dagaalka uu sii socon doono ilaa laga ciribtiro maleeshiyada duulaanka ku qaaday deegaanada Puntland.

Maleeshiyaadka ayaa waxaa soo foodsaartay Hub la’aan waxaana la sheegayaa in ciidamada maamulka ay doonayaan in fursadaasi ay uga faa’iideystaan maleeshiyada.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaaya hubka culus waxaana adag in labada ciidan ay wada galaan dagaal fool-ka-fool ah marka laga soo tago kan ay kula dhuumanayaan buuraha ee kala qarinaaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News