Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Addis ababa ee cariga dalka Ethiopia.
Madaxweyne C/wali Gaas, ayaa kasoo dhamaaday socdaal uu muddo ku joogay Dalka Mareykanka waxa uuna maanta bilaabay in magaalada Addis ababa uu kulamo kula qaato madaxda Dowladaasi.
Gaas ayaa madaxdaasi kala hadlaaya arrimo la xiriira dagaalka ay Puntland kula jirto maleeshiyaadka duulaanka ku ah deegaanada maamulka ee ku dhuumaaleysaneysa gododka Gobolka Nugaal.
Wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in Ethiopia uu weydiisan doono Hub uu kula dagaalamo maleeshiyaadka, waxaana lagu wadaa in maanta ama bari uu gaaro magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Lama oga waxa dib u laabashada madaxweynaha Puntland ay kusoo kordhin doonto Dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

