Cawad oo shaaca ka qaaday cidda ka dambeysay xil ka qaadista lagu sameeyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xilka laga qaaday kadib wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu badalkiisa magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, waxaana xigtay in wasiirkii xilka laga qaaday loo magacaabay safiir, taasi oo uuiska diiday.

Haddaba muran badan ayaa ku hareereysan sababta xilka wasiirka arrimaha dibadda looga qaaday Axmed Ciise Cawad, waxaana la isla dhexmarayay inuu sababsaday warqad kasoo baxday wasaaradiisa oo la xiriirta dagaalka Itoobiya, taasi oo markii dambe laga saaray cinwaanka wasaaradda ee Twitter..

Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyey BBC-da ayaa ka gaabsaday inuu sheego sababta uu maleynayo in xilka looga qaaday, balse wuxuu wareysiga ku caddeeyey cidda ka dambeysay xil ka qaadistiisa inuu yahay madaxweynaha.

“Xilka markii horaba waxaa ii magacaabay madaxda dalka madaxwaynaha iyo rai’sul wasaaraha, markii sidii ay iigu magacaabeen xaq ayay u leeyihiin in marka ay la nqoto hadana ay iga qaadaan,” ayuu yiri Cawad.

Isagoo hadalka sii wata wuxuu yiri: “Sabab gaar ah oo aan hadda kuu sheegi karo ma jirto, madaxwaynaha inaan wada shaqeynay abaal badan ayaan uga hayaa iney fursadaasi i siiyeen oo umadda Soomaaliyeed aan u adeegay, saddex sano ayaan wada shaqeynaynay.”

Axmed Ciise Cawad oo muddo badan lasoo shaqeeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee xilka laga qaado kadib magacaabistii golaha wasiirada ee Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna sidoo kale si diblomaasiyad leh uga jawaabay su’aal laga weydiiyay hadii uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Kuma jirto dhaqanka dowladnimada haddii xitaa wax la isku qabto in idaacadaha looga sheego, anigu waxaan kuu sheegayaa madaxwaynaha ayaanu kulanay wuu ii sheegay in uu xilka iga qaadayo la yaab ma ahayn anigana waan uga mahad-naqay wada shaqeyntii na dhexmartay marka dhib ma jiro.”

Hadalkan dambe ee Cawad wuxuu caddeyn u yahay in wasiirka uu xilka ka qaaday madaxweynaha ee aanu ka qaadin ra’iisul wasaaraha, taasi oo muujineysa in ra’iisul wasaaraha aanu u madax banaaneyn golihiisa.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Rooble uu ku taliyey inaan xilka laga qadain Cawad, ama xitaa maalmo loo sugo si aysan ugu muuqan in qaladka ka dhashay warqadda darteed looga qaaday xilka.

Xil ka qaadista Cawad ayaa la rumeysan yahay inay kaalin ku leedahay dowladda Itoobiya oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Farmaajo.