Xasan Cali Kheyre: “Haddii aan lagu heshiin nidaamka doorasho, laguma heshiin doono dowladda ka dhalata”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isuul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, haddana ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib muddo uu ololahiisa doorashada ka waday dalalka dibadda.

Kheyre wuxuu lasoo laabtay saameyn la wada dareemay dhanka soo dhaweynta, wuxuuna jeediyay khudbadiisa ku aadan walaaca uu ka qabo arrimaha doorashooyinka ee aan wali lagu wada qanacsaneyn.

Xasan Cali Kheyre wuxuu khudbadiisa ku sheegay in waqtigii uu xilka hayay uu si cad usoo bandhigay fikirkiisa ku aadan qaabka ay tahay in doorashada loo qabto, isagoo aaminsan in hadii lagu heshiin waayo nidaamka doorashooyinka aan lagu heshiineynin dowladnimada ka dhalata.

Wuxuu tusaale usoo qaatay khalalaasaha ay wajaheyso dowladda Itoobiya oo xaalado dagaal dhexda kaga jirta, wuxuuna tusaaleyn usoo qaatay in dhibaatooyinkaas dalka dariska ah ka jira ay ka bilaabatay arrimo doorasho oo lagu heshiin waayay.

“Hadii aan lagu heshiin nidaamka doorasho oo aan lagu wada qanacsanaan, lagu heshiin maayo dowladnimada ka dhalata,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyere.

isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Sidaas daraadeed ayey muhiim tahay inaan wax ka barano taariikhdii lasoo dhaafay iyo tan maanta ka taagan dunida meelo badan oo ka mid ah oo ay ugu horreeyaan dowladaha dariska ah, gaar ahaan Itoobiya, oo khalalaasaha hadda ka taagan loo aaneynaayo iney salka ku heyso doorasho dib loo dhigay ama lagu heshiin waayay.”

“Doorasho aan lagu heshiin ama doorasho la’aanina waan ognahay taariikhda ay dalkeena ku leedahay, si aan uga fogaano khalalaase dalkaan ka dhaca, si dowladnimada aysan gadaal ugu dhicin, si umadda Soomaaliyeed aaney niyadda uga jabin, waxaa muhiim ah iney dalkaan ka qabsoonto doorasho la isla ogol yahay.”

“Ma ahan waxaan hadda sheegaayo, waa waxaan sheegay markaan xukuumadda ku jiray, waxaan ka digay inaan la ogoleyn muddo kororsi, waxaan kaloo ka digay in hadii aan dalka doorasho laga hirgalin loo dhan yahay iney keeni karto walwal iyo walaac.”

“Waxaan maanta dalka dib ugu soo laabtay inuu jiro walaacaas iyo walwalkaas”

Ugu dambeyntii maalmaha soo socda waxaa la filayaa in musharaxiinta mucaaradka ay ku shiraan magaalada Muqdisho iyagoo laga yaabo iney Bayaan wadajireed kasoo saaraan guddiyada ay saluugsan yahiin oo ay dowladda u diyaarisay iney qabtaan doorashooyinka dalka iyo xaaladda uu wadanka ku sugan yahay.