Ciidamada Ahlu-Sunna iyo Kheyre oo howgal deg deg ah ka wada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo ayaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Jugta qarax labaad laga maqlay gudaha Magaaladaas,kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid ay qarxiyeen Ciidamada amniga.

Dadka goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ahaa miino ay qarxiyeen Ciidamada amniga,isla markaana aysan jirin cid wax ku noqotay.

Sidoo kale Ciidamada amniga dowlad Goboloeedka Galmudug iyo kuwa Ilaalada gaarka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ka wadaan Dhuusamareeb,iyagoona gacanta ku dhigay dad u badan dhalinyaro.

Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waaweyn  ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan,kuwaas oo dadkaiyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar.

Qaraxii hore ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta INJI ee uu ku shaqeeyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay is miidaamiyihii sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay ilaa 5 qof oo midi ahaa Xildhibaan ka tirsan Galmudug.

Sidoo kale dadkii halkaasi ku dhaawacmay waxaa ku jiray Haweeneydii laheyd Maqaayada iyo Saddex Carrur oo ay dhashay kuwaasi ku sugnaa Maqaayada xiliga uu qaraxu dhacayay.

Waxaa jirto cabsi weyn oo ku aadan inay Magaalada Dhuusamareeb ku jiraan dad kale oo is qarxin rabo sida ay sheegeen hey,adaha Ammaanka waana sababta keentay in halkaas laga bilaabo baaritaano deg deg ah.

Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb