Faahfaahin iyo xog dheeri ah oo ku saabsan qaraxii labaad ee Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) –  Qarax labaad ayaa Goordhow jugtiisa laga maqlay xaafadaha Magalada Dhuusamareeb oo isla Maanta uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa,kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyada oo maanta siweyn looga dareemay Magaalada.

Qaraxa labaad ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Maqaayada Dhagacade ee Magalada Dhuusamareeb oo ku dhow Saldhiga Booliska dhuusamareeb.

Waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu aasay jidka dhiniciisa sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Galmudug.

Sarkaal ka tirsan Galmudug ayaa  sheegay in qaraxa dambe uu dhaawac fudud kasoo gaaray Wiil dhalinyaro ah oo goobta marayey, waxaana la sheegay in wadada uu ka dhacay qaraxaas ay daqiiqado ka hor mareen  mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waaweyn  ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan,kuwaas oo dadkaiyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar.

Qaraxii hore ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta INJI ee uu ku shaqeeyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir.

Qaraxa koowaad ayaa waxaa ku dhintay is miidaamiyihii sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay laba qof oo midi ahaa Xildhibaan ka tirsan Galmudug.

Waxaa jirto cabsi weyn oo ku aadan inay Magaalada Dhuusamareeb ku jiraan dad kale oo is qarxin rabo sida ay sheegeen hey,adaha Ammaanka.

Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb