Ciidamada dowladda oo taallada Daljirka caawa ku toogtay Abkoow Cambuure

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho lagu dilay Abkoow Cambuure oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya.

Marxuumka ayaa la dilay xilli uu maraayey fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon, waxaana rasaas lagu furay gaari uu watay, sida aan xogta ku helnay.

Abkoow ayaa mudo dheer lasoo shaqeynayey maamulka gobolka Banaadir, waxuuna soo noqday madaxii ilaalada guddoomiyeyaashii soo maray gobolka ee Yuusuf Madaale iyo Cabdiraxmaan Yariisow.

Ciidamo ku sugan taallada Daljirka ayaa dilay marxuumka, xilli uu ka yimid dhanka isgoyska degmada Boondheere, lamana oga weli sababta keentay dilkiisa.

Ciidamo ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Waran ayaa la sheegay inay dileen marxuumka, kuwaas oo ku sugnaa barxadda taallada Daljirka Daahsoon.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir, Basma Caamir Shakeeti ayaa ka tacsiyadeeysay geerida sarkaalkan, waxayna laamaha amniga ka codsatay in cadaaladda horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas.

“Allaah unaxriisto Abkoow Cambuure oo goor dhow ay isoo gaartay Geeridiisa, Gacan ka xaqdaran ayaa ku dishay Taalada Dal Jirka Dahsoon ee degmada Boondhere. Waxaan Alle uga baryaa inuu Janadiisi Firdowsa Alle ka waraabiyo. Laamaha amaankana waxaan ka codsanayaa inay kuwii Falkaa ka dambeeyay ay Cadaalada horgeeyaan, Abkow waxa uu ahaa Shaqsi Howlkar ah, lana soo shaqeeyay Qaar kamid ah Gudoomiyaashii G.Banadir,” ayey tiri guddoomiye Basma Caamir.