Xogta khasaaraha nafeed ee isku dhacyadii ciidanka DF iyo dibad-baxayaasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Jimcihii 19-kii February dagaal ka dhacay Daljirka Daahsoon oo maalinaas la filayay inuu bannaanbax ka dhaco ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa si kedis ku bilowday, wuxuuna dhaxmaray ciidanka Dowladda iyo ilaalada musharaxiinta. Waxaa xigay maalintii jimacaha 19-kii February in qol-qolotooyinka kale ay ka dhaceen waddooyin dhawr ah oo caasimada ah oo ay xireen ciidanka si ay u xakameeyaan dad doonayay in ay ka bannaan-baxan in xukunka dalka lagu sii joogo si sharci darro ah.

In ka badan sagaal- qof ayaa ku geeriyootay halka lix iyo toban kalena ay ku dhawacmeen kuwaas oo isugu jira ciidanka ku dagaalamay nawaaxiga Daljirka Dahsoon iyo kuwo kale oo ku waxyeeloobay rasaasta ciidanka Dowladda ay ku rideen bannaanbaxyaasha.

Maalintii ay dibadbaxyada dhaceen ee Jimacaha 19-ka February, degmada Kaaraan iska hor imaad ka dhacay ayaa la soo wariyay inay ku dhaawacmeen shan qof oo shacab aha halka qof kalena uu ku dhintay

Saqdii dhexe habeenimadii isla habeenimadaas dagaal kale oo ka dhex bilowday ciidanka Dowladda ee Gorgor iyo ilaalada musharraxiinta oo ku sugnaa Daljirka – Daahsoon ayaa la xaqiijiyay in ay ka dhalatay khasaare isugu jira dhimashada shan qof oo labada dhinac ah iyo dhaawac Lix –kale halka rasaas wiifta ah uu ku dhintay hal qof laba kalana ay ku dhaawacmeen , degmada Warta-nabadda.

Dhanka kale , Maymuum Bashiir waa 25- jir ku nool degmada Hodan gaar ahaan carwadii hore ee xoolaha  halkaas oo rasaas ku haleeshay xili saq dhexe ah, markaas oo hurdada ay kaga soo salashay xabad kaga dhacday qaybta dambe ee jirkeeda.

“Waxa ay ahayd habeen Jimca ah, marka ay rasaasta ku dhacday Maymuun runtii xaaladeedu markii hore waa ka naxnay waddooyinka maadama ay xirnayeen isbitaalna waan gayn waynay taasna waxay sababtay in markii jidad la furay in isbitaal ula cararno,” sidaas waxa sheegay ehellada Maymuun oo aan la hadalnay.

Degmada Warta-Nabada laba qof ayaa ku geeriyootay laba kalana waa ay ku dhawacmeen ka dib markii ay haleeshay rasaas wiifta ah oo ay is waydaarsanayeen ciidanka Dowladda  iyo kuwo ilaalo midowga musharraxiinta.

Ehallada mid ka mid ah dadkii dhaawacmay oo magaciisa lagu soo koobay Kaadiye ayaa sheegay in dhawaca wiilkooda ka dib u naxdin uu u dhintay Axmed Saki Cumar oo 28 sano jir kaas oo ka mid ahaa dadkii gurmadka fidinayay.

Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya wali lagama hayo wax war ah oo ku saabsan tirada khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Isha: Goobjoog