C/Weli oo fuliyay dardaarankii Garoowe

Ninka magaca Soomaliyeed,  midabbaduu yeelay, Waa nimaan minhaaj iyo ku dhalan,  meher xalaaleed, Oo aan mufti iyo hooyadii,  macallin loo geyn,  mugdi uu islaantii ku galay,  muudal gudayaa,  Mujrimyada munaafaqa fakaday,  midigta siinaaya,  Maqanaha iyo joogaha ra’yiga,  meel ka wada Qaata, Oo aragtidooduna mid tahay,  kalana meeraysta,  Mataanaha habeenkii u shira,  murugada Soomaali,  Haddaad mooddey inan moognahoo,  marayo baaqiinnu,  Marti kibirtey waa ba’an tahay,  iyo magan carootaaye,  Isa soo mutuxa waa waxaa,  naga macaashtaane. Cabdulle Raage oo ka hadlaya kuwa qabiilka ku qariya qaranimada iyo habdhaqanka aay leeyihiin ayuu ugu jawaabaayay nin SSDF ahaa oo u soo gabayay Somalida asaga oo ku dhiiragelinayaayo in Siyaad Bare la dumiyo cidwalbana u istaagto sidii loo burburin lahaa qarankii Somali.

Waxeey aheeyd 2014-10-15 markii la goáansaday in r/wasaaraha  uu qaado wadiiqo cusub si loo gaaro hadafka ah in aanan marna Somalia aayan isku soo noqon balse lagu kala hayo nidaam qabiil federaal ah,  , sida aad ka aragtaan waxaa Garowe  tagay r/wasaaraha oo aay la socdaan wasiiro reer Puntland ah iyo xildhibaanao reer Puntland ( Jurile, Xassan Bashir wasiirka qorsheeynta saciid danni wasiirka waxbarashada iwm ) iyada oo la ogyahay in heshiiskii Garowe lagu gaaray uu ahaa mid hal reer kuwada heshiiyay ee aan loo nisbeeyn karin dowlada dhexe iyo Puntland, r/wasaaraha waxaa uu u  gudbay Burubdi waxaana uu ku soo hakaday Kenya oo ah meesha lagu karkariyo siyaasada Somalia r/wasaare C/weli waxuu shir qarsoodi ah la qaatay xildhibaano Daarood ah iyo saraakiil ruugcadaa ahaa oo qoxooti ku ahaa Kenya intii uu dalka burbursanaa , waxaa ka soo baxay wadahadal dheer ka dib in Somali siyaasadeeda laga hogaamiyo Garowe marka ugu horeeysana  aay haboon tahay in dastuurka qabyo qoraalka oo lagu soo qoray Garowe loo helo cid sii dhameeystirta, waxaa leeysla qaatay ugu horeeyn in isbedel lagu sameeyo  golaha wasiirada si wasiirka dastuurka ee cusubsubi uu u noqo ruux taabacsan siyaasada Garowe lagu soo dejiyay, xiligii Impagaati ee C/aahi Yusuf waxaa uu abuuray koox qabiilwalbaa leh sida Bubaa, Caydiid Ilka-xanaf iwm dhinaca kale Salim Ibro oo ahaa wasiir aanan waligiis dhicin dhawaana asaga oo wasiirka xanaanada xoolaha dhawaan ku joogay Puntland in ka badan 3 week waana raga  fuliya siyaasada Garowe , rag badan ayaa fuliyay miyaadan ogeeyn ??

Waxaa jira rag badan oo siyaasada ka dhex muuqda basle ku shaqeeya  siyaasada  Garowe, bal aan dib u milicsano tii ugu danbeeysay Madaxweeyne Sh.Shariif iyo dowladii ku meelgaarka, C/wel inta uu ka ahaa r/wasaare ku muulgaar ah waxaa uu siiwaday inta C/aahi Yusuf gacansaarka la laheeyd.

Doorashadii madaxweeyne ee ugu danbeeysay r/wasaare C/weli Gaas oo ahaa la taliyahaii C/aahi Yusuf dowladii Impagati waxaa uu kasbaday wasiiradii ugu badanaa golahiisa sida:1.C/aahi Goodax.2.Ina Jahweeyn.3.Wasiirkii ganacsiga cabdiwahaab.4.Wasiirkii dastuurka  Xoosh Jabriil .

Sh.Shariif waxaa raacay oo kaliya wasiirka difaaca Carab ciise iyo Cabdisamad wasiirkii arimaha gudaha, xildhibaanada hada jiraa waxaa soo fududeeyay wasiiradaa kor ku xusan oo xaqiiqdii ahaa dabadhilif ku shaqeeya siyaasada Garowe, weli waxaad moodaa in wasiirada hada jiraa aay ku shaqeeyaan siyaasada Garowe sida wasiirka arimaha gudaha Cabdullahi Goodax Bare, sabbabta oo ah waa ninka ragaadiyay siyaasada wasaarada arimaha gudaha oo ah wasaarad ka gaabisay sidii gobolada dalka isku raaci lahaayeen, xiligii la sameeyay seddexda gobol ee koonfur galbeed wasiirka waa ka biyo diiday waxuuna ku tilmaamay mid xaaran ah balse waxaa aay aheeyd lab la kac waxuuna isku qarinayay boorka ka dibna lama maqal meel uu ku tanasulay , waxa hada socdaa kama uusan hadal in r/wasaaraha  kula heshiiyo Puntland in G.Mudug kala go. Kulankii r/wasaare C/weli iyo heshiiskii Majeerteen iyo Sade.

Reysalwasaaraha Dawladda federaalka C/weli Sheekh ayaa intii uusan Garoowe ka dhoofin kulan albaabadda u xiran-yihiin la qaatay Jaaliyadda Beesha Sade-Daarood ee Magaaladda Garoowe ku dhaqan,  reysal wasaare C/weli ayaa u mahad-celiyay Wasiirka Beesha Sade ay ku leeyihiin Puntland ee Bashiir Faarax Gurxan, waxaana uu kula taliyay Beesha inay wax la qeybsadaan walaalahood Puntland iyo midnimada Daarood.

Saalim Ibro aqoon yahan bartay xanaanada xoolaha weligiisana waxaa uu hoos joogay C/aahi Yusuf waxaa Dastuurka looga dhiibayaa ayaa ah dastuurka qabyo qoraalka lagu xuso in dalka Somaliya leeyahay dowlad goboleeydyo sida Jubbaland , Koonfur –galbeed, Puntland iwm iyada oo aanan la horgeeyn golaha baarlamaanka, ujeedka kale waxaa uu yahay in aay ka sameeystaan waxwalba oo ka dhiman qabyo qoraalka sida 1.sida loo qeeybsan karo qeeyraadka dalka iwm oo aanan hada ku jirin qabyo qoraalka .2. Canshuuraha dowlad goboleedka inta aay ku leeyihiin iyo dowlada dhexe.

R/awaasare C/weli waxaa uu Korneel Bare ku qasbay in uu hoosyimaado Axmed Madoobe, waxaa uu noqday kaabo qabiil u ololeeya reerka uu ka dhashay, Xassan hurdaaye mindi calool ku tagtay wax ma ka bedeli Karaa  ??? waxa socda ayaa ah in Saalim Ibro abuuro shir loogu magacdaray Garowe 3 & 4 Somalina lagu kala qeeybiyo siyaasada Garowe noqoto mid ka hirgasha dhulka Somali.

Dr.Ali.A.Hirabe            

Hirabe_a@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid