Heshiis-ku-sheega DFS iyo maamulka PUNTLAND waa NIKAAXII MUTCADA!!!

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa ALLAHA yeelo.

Intaa kabacdi, bal aan ugu horeyn qeexno waxa Nikaaxul Mutcah yahay. Nikaaxul Mutcah waxaa la yiraahdaa, wax Shiicada aad ugu dhaqanto, oo Zino la dhoodhoobey ah. Wuxuu u dhacaa sidatan. Nin iyo Haween ayaa heshiinaya. Waxeey ku heshiinayaan waqtiga eey “Is reereeysanayaan”, iyo qarashka uu iska bixinayo intaba, si arintaa usuurtagasho. Ogoow! wqtigaa wuxuu noqonkaraa Saacad, Maalin, Isbuuc, Bil…IWM, halka nikaaxa sharciga ah aan la ogoleyn in waqti xadidan looyeelo. Midkaasse xaqiiqdii wax qurxoon ma aha. Wax in uu waaro loogu talagalayna ma aha, marka horana labada qofoodba weey kasiiwada dharagsanyihiin waqtiga gaaban ee “la isku moodayo!”.

Waxaa marka Nikaah-ku-sheegaa Shiicada la mid ah Heshiis-ku-sheegan dhexmaray Maamul-Beeleedka Puntland iyo Dowlada “Federaalka” ee Ummada Soomaaliyeed uwada dhantahay. daliil ama cadeynna waxaa kuugu filan, xaqiiqada dhacdooyinka taariikheed ee habdhaqanka Maamul-Beeleedka Puntland. Hadadan dhow ayey aheyd markii aan soodaabacay qormadeeydii aheyd “PUNTLAANEEY IN LA ISFURO WAXAA KA HOREEYSA IN HOREY LA ISKU QABAY!” kadib markii eey dheheen sida caadaduba aheyd “Dowlada baan xiriirka u jarney”.

Waxaanse maqlijirey “Illoowsho dhawaa ma Umul baa!”. Bal aawey heshiisyadii hore ee maamulkan iyo Dowlada Dhexe hore udhexmarijirey? Halkeey ku dambeeyeen? Bal micnaha eey sameeyneeyso maxeey tahay heshiis-ku-sheegyadan maalinkastaahi Maamul-Beelkan loogu sii habjaqayo illaa Garowe? Waase iga su’aale miyaaneey mas’uuliyiinta Dowlada dhexe xasuusan dhacdooyinkii shalay oo aaneey ka faa’ideysan? Ileyn taariikhda waxa loo bartaahi waa in mustaqbalka looga faa’ideeysto’e, oo bini’aadamku hore usii socdo’e, intuu iska dabawareegilahaa sidii Mas madaxa laga dilay’e? Miyaaneey Dowlada Dhexe ka daalin hab-dhaqanka aadka uqallafsan ee Maamul-Beeleedka Puntland, laga soo bilaabo xilligii Col C/llahi Yususf Axmed uu horjoogaha ka ahaa Maamul-Beeleedka Puntland illaa xilligan uu Cabdiweli Gaas uu horjoogaha u yahay? Waase yaabe maxaa isbadalay oo maanta soo kordhay?

Madaxweyne Xassan Sh. Max’uudse aad ayuu ufahmay sida ugu munaasibsan ee Maamul-Beeleedka Puntland ay tahay in Dowlada Dhexe uladhaqanto, iyadoo laga faa’ideeysanayo khaladaadkii Madaxweyne Sh.Shariif Sh. Axmed uu hore usameeyey, gaar ahaan xilligii Ina Gaas uu Ra’isulwazaare qaranka “Ugu khaldamay”. Madaxweyne Xassan Sheekh wuxuu si sax ah meel cad ugu direy buuqii Maamul-Beeleedka Puntland, waliba si ficil damiir iyo dadnimo wanaag ahna ubaray in dalku leeyahay Dowlad Dhexe oo Soomaali oodhami uwada dhantahay, dalka ka arimintiisana caalamka uaqoonsanyahay, sidaa daraadeedna tahay in sidaa loogaga dambeeyo.Waa waxa madaxweyne Xassan Sh.Maxamuud caaydiisa, dacaayadeeyntiisa  iyo guud ahaan dowlada uu garwadeenka kayahayba ay tusbaxa joogtada ah Maamul-Beeleedka Puntland iyo inta kufikirka ahiba ugu qaateen, website-yada faraha badanna propagandada loogu wada sameeystey, markuu dibadaha qaar tagana mudaharaad-ku-sheegyada qabyaaladeed loogu abaabulo, iyadoo hormuud eey katahay Koox-Qabyaaladeedka “SAHAL”oo boorar Qabyaalad lagu soo xarxariiqay dumarka iyo caruurta inta usoo dhiiba, dhaxanta iyo barafka kuwada luggooya. Xaqiiqda biyo-kamadhibcaanka ah ayaase waxeey tahay, in dambiga ugu weyn ee uu Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud kagalay Maamul-Beeleedka Puntland yahay in Jagada Ra’isulwazaarenimo ee kawada dhaxeeysey “Beesha Guud” ee Puntlandna hal jufo uun oo ka mid ahi tahay, balse “Beesha Puntland” sida gaarka ah ee khaldan isu laheeysiisey, labadii jeer ee Madaxweynuhu soomagacaabay Ra’isulwazaarena uu  Beesha “Gedo & Garbahaarreey” Madaxweynuhu kasoo xulay! Waloow reer Gedo xaq buuxa ay uleeyihiin, dhab ahaanna umudanyihiin, hadana Maamul-Beeleedka Puntland waxeey ula midtahay xaq ugaar ahaa oo laga dhacay, sidaana Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud iyo dowlada uu hogaamiyaba ugu wada shaabadeeyeen in  ay tahay in dagaal lagu wada iclaamiyo, oo lagu wado, ilaa uu “Hab-dhaqankaa” badalayo, ama xilligiisu dhamaanayo.

Nasiibdarro! Waxa hada keeney in Ra’isulwazaare C/wali Sheekh Axmed “Yuulka” Heshiis-ku-sheegan usoo saxiixo Puntland waa: A-Soocelinta Sad-Bursigii Puntland caanka ay ku aheyd oo ayaamahan lawaayey. B-Burburinta dhismaha maamulka loo sameynayo Gobollada Dhexe (Galgaduud iyo Mudug) oo Puntland waxkasta ka hormarineeyso burburintiisa, sidii horeba sidaa si la mid ah ay ula dagaallantey dhismaha Maamulka Khaatumo oo dhinac ah, iyo khilaafka Ra’isulwazaare C/wali Sheekh Axmed “Yuulka” kala dhexeeya Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud oo dinaca kale ah. Wuxuuna ra’isulwazaare Cabdiweli “Yuulka” sidan ku raadinayaa Isbaheeysi “Beesha Guud” ah, si Xassan Sheekh uu meel usaaro, malaha ra’isulwazaare Cabdiweli “Yuulka” wuxuu moogyahay in Puntland “Beel Guud” aaneey u jixinjixin, oo danta “Beesha Maamulka iska leh” uun ay kashaqeeyso, maxaa yeeley Maamulka dariska la ah ee Khaatumo oo “Beesha Guud” lawadaagta, sida Somaliland-ba ula dagaallantey, iyana uma boqno-gooyseen. Dhinaca kalana wiilasha ONLF-ta lagu shaabadeeyo ee Soomaali-Galbeed kasoo carara, “Beesha Guudna” lawadaaga, Xabashida uma dhiibteen, oo shilimaad ma dhaafsateen, balse maadaama uu Mudane Cabdiweli “Yuulka” jadbeeysanyahay ayey Puntland danteeda kasoo wada dhameeysatay. Ogoowse maalintaa Talaadada ahayd waxa Garoowe lagusoo saxiixay waxeey ahaayeen 12-Qodob, kuwaasi oo dhamaan ka hadlayey danaha Maamul-Beeleedka Puntland iyo waxyaabaha uu aaminsanyahay. Dhamaantoodna waxeey wada ahaayeen qodobadii iyada eey la timid ee miiska soo saaratey, nasiibdarana uu sidoodii ugu wada saxiixay ra’isulwazaaraha.

Aduunka qaabka wax qorista loo dhigo iyo erey-bixintuba waa muhiim, sidaa daraadeed waxaa layaab leheyd in boorarkii shirka iyo heshiis-ku-sheegiiba lagu wada hardhay in ay heshiis wada saxiixdeen “Dowlada” Puntland & Dowladda Federaalka, oo waliba “lakala hormariyey”. Waa khaladaadkii horeba udhicijirtey marka Dowlada Dhexe iyo Maamul-Beeleedka Somaliland ay wada hadlayaan. Soow xaqiiqda jirta ma aha marka in Ra’iisulwasaaraha DFS C/wali Sheekh Axmed “Yuulka” uu jebiyay Qodobka 49aad, Farqadiisa 5-aad ee Dastuur-ku-sheega dalka, maadaama uu ula dhaqmay Maamul-Beeleedka Puntland sidii inay tahay Dowlad la jaar ah Soomaaliya. Waa su’aal da’weynoo madaxa daalineeysee! Goorma ayey Puntland noqotay dowlad deris la ah dalka Soomaaliya? Maxaase keeney in uu soo saxiixo Ra’isulwazaaraha qodobada dhahaya “Waa in Puntland ay qeyb ku yeelato Dhaqaalaha soo gala Dowladda Federaalka Soomaaliya (Dal & Dibad)!”, Halka dhaqaalaha soogala Puntland-na sida looqeybsanayo lagama hadlaan uuyahay! Iyadoo aan kawada dharagsannahay in culeynka dhaqaale ee dowlada loowada dhanyahay lagu kala wado, kana soo baxa gudaha dalka, uu dusha si waliba kali ah uga wadasaaranyahay Dakadda iyo Garoonka Muqdisho, iyo dadka “Reer Muqdisho”? Sidoo kale Heshiis-ku-sheegan Ra’isulwazaare C/weli  iyo Maamul-Beeleedka Puntland soow dhaawici maayo heshiiskii ay Maamul-Beeleedyada hadda ka jira Gobollada Dhexe ay Dowlada Dhexe kula gaareen magaalada Muqdisho, kaasoo dhigayey in Dowladda Dhexe ay ka shaqeyn doonto sidii “Labadaas Gobol” loogu soo dhameystiri lahaa maamulka halkaa laga yagleelayo? Waa yaabe! Hadii Ra’isulwazaare Cabdiweli usoo saxiixey  Maamul-Beeleedka Puntland in Mudug la kala gooynayo, oo qeeybna Puntland xukumeeyso, qeybta kalana laga xukumayo maamulka loo dhisayo Gobollada Dhexe, hade soow laba jeer Dastuur-ku-sheega kuma aanu tuman, ileyn taasi micnaheeda waxeey noqoneeysaa sidan’e:

1-Waxaa isku biiri kara oo kaliya “Inta Isku Beesha Ah”, oo Qeybta Mudug ay ka daganyihiih “Beesha Puntland-na”, hade tolkood oo kaliya ayey raacikaraan, kuwa kalena tolkood ayey iyana raaci karayaan, oo Dastuur-ku-sheega waxa uu dhigayo ma aha in” Laba Gobol” iyo kabadan is raaci karaane, waa inta isku Beesha ah uun baa is raaci karta! Illeyn isagaa sidaa soo saxiixaye. Aaweyse qodobkii dhahayey xuduudaha gobollada waxeey ahaanayaan sidii ay ahaayeen 91-kii, oo dib wax loogama badalikaro? Puntland-se maadaama ay wax ka saxiixdey soow iyana Dastuur-ku-sheega ma jabinin, ileyn iyadaa ku waalan jirtey waxbaa la jabiyaye? Mise xaalku waa “Lama canaantaa caanihi daadshay”, sida Soomaalidu tiraahdo!

2-Hadii Gobolka Mudug lakala jaro, waxa markaa maamulka cusub ee Gobollada Dhexe loo dhisayo soow noqon meeyso Gobol iyo Bar. Hade Dastuur-ku-sheegu, ma wuxuu dhigayey laba gobol iyo kabadan ayaa is raaci karta, mise gobol iyo bar, iyo wixii la doono waa la isaga tumankaraa waaye xaajada? Mase maqli jirtey! “La jiifiyaana Bannaan, Lajoojiyaana Bannaan!”

Qodobadii uu sida indha la’aanta ah usoo wada saxiixey ee Maamul-Beeleedka Puntland wada keensatey waxaa uqu yaab badnaa mid dhahayey,“ Dowlada Dhexe iyo Dowlada Puntland waxeey ka wada hadli doonaan Dastuurka Dalka” oo Maamul-Beeleedka Puntland uu sheegtey in wax laga badalay!” Dastuur qaran “Haduuba yahay” ma wax uyaalla “Hal beel” baa, mise Soomaali oo dhan? Dowlada Dhexese Maamul-Beeleedka Puntland dad umatala malaha miyaa? Soowtii dhawaantan Baarlamaanka ay kasoo qulqulayeen, markii xarig baan jarney ay lahaayeen? Marna Maamul-Beeleed ahaan ayaan waxkasta ugu xisaabtamayaa, marna beel ahaan ayaan dowlada uga tirsanahay, bal micnaheed! “Laba dhinac ku qaraabasho” soow ma aha? Malaha beelaha Soomaaliyeed ayaa kala Xaq iyo Mudnaan badan! Bal adba!

Waxyaabaha rakhiista ah ee uusoo saxiixey Ra’isulwazaare C/wali Sheekh Axmed waxaa ugu liitey Propagandadii meelaha lala wareegayey ee Maamul-Beeleedka Puntland uu dadka sanka kagalinayey, taasoo aheyd in Ciidamada hadda dhisan “Beesha Xamar” ay leeyihiin, marka waxeey dheheen waa “In Dhismaha ciidamo qaran oo isu dheeli tiran, iskuna dhafan dib loo dhisaa”, iyadoo kuwa Maamul-Beeleedka Puntland-na ugaar ahaanayo. Waxaa sidoo kale kamid ahaa propagandooyinkii C/wali Sheekh usoo saxiixay, “In la isku soo celiyo hantida la kala haysto”, taasoo Maamul-Beeleedka Puntland ula jeedo  “Beesha Xamar dagta” ayaa hantideenii 1991-kii naga bililiqeysatey, inoogana heysata, iyadoo “Soomaalida oo dhami” qofba gobolladuu kasoo jeedey uqaxay, hantidii maguurtada aheyna uga qaxay halkuu Soomaaliya kadaganaa. Halka sidoo kale Soomalidu kawada dharagsantahay in 1960-kii-illaa-1977-kii, iyo 2004-illaa 2008-kii ay “Beesha Puntland” awood dowladeed hanti badan kuboobtay! Waxaa iyana qalinka uu ugu soo duugey sida Maamul-Beeleedka Puntland dalbadeyba “In si [cadaalad ah] loosoo magacaabo mas’uuliyiinta dowlada ee rayidka ah iyo kuwa aan rayidka ahayn labadaba”, taasoo ay ula jeedaan in Jagooyinkii aan islaheeysiinney “Sida Ra’iusulwazaarenimada” oo Yuulkoow tolkaa aan udiidannahay, iyo tii hadda la inaga qaadey, waa “Taliyaha Booliska’e”, dib la inoogu soo celiyo. Sidoo kale hunguriga waallan ee Maamul-Beeleedka Puntland ay la yimaadeen, nasiib darrase Ra’isulwazaare Cabdiweli usoo saxiixey, waxaa ka mid ahaa “In si cadaalad ah [LABADA DOWLADOOD] uqaybsadaan wixii kasoo noqda hantida Soomaaliya dibada uga maqan”, taasoo Maamul-Beeleedku kawado in iyada iyo dowlada dhexe loo kala qeeybiyo hantidaa ummad weynta Soomaaliyeed oo dhan kawadadhaxeeysa! Soomaalida ayaa hore u tiri, “Dhurwaagii iskaqaado bartaahi, dhigtu wey dhibtaa!”

GABAGABO IYO GUNAANAD

Xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ah ayaa waxay tahay, waxa kaliya ee ay kuwada heshiinkaraan  Dowlada loowada dhanyahay ee Soomaaliyeed iyo Maamul-Beeleedka Puntland ay tahay in Dowlada Dhexe ay Maamul-Beeleedka Puntland uga wada dambeeyso talada dalka oo idil, oo eey hoostagto, hadii taa lawaayana waxkastoo Sad-Bursi ah, iyo guud ahaan danaha gaarka u ah Maamul-Beeleedka Puntland ay dowlada dhexe si halhaleel ah ugufuliso. Waxaase waxkasta ka horeeysa in Jagada Ra’isulwazaarenimo aaneey Dowlada Dhexe cid aan “Beesha Puntland” aheyn umagacaabin waxkastoo dhaca, waliba gaar ahaan Beesha “Gedo & Garbahaarreey”, sababo taariikh hore ah iyo xifaaltan siyaasadeed oo kala dhaxeeya darteed (e.g: Siad Barre Vs Col.C/Llahi Yusuf & SSDF, Col. Barre Hiiraale Vs Gen.Morgan…..IWM).

Waxbase soo kordhinmeeyso Heshiis-ku-sheegyo markasta loosoo saxiixo Maamul-Beeleedka Puntlad, oo sidii caadaduba aheyd  uxiisidoonta in sidii ruux waallan ay sanadkastaba dhowr mar yiraahdaan xiriirka baan ujarnay dowlada loowada dhanyahay ee Soomaaliyeed. Su’aasha Soomaali oo dhami isweydiineeyso ayaase ah, masidii Nikaaxii Mutcada ayey Isbuuc mise Bil sugidoonaan si ey xiriirbaan jarnay mar kale ugu digriyaan.  Bal aan dhowrno, dhaankii maqnaa, wuxuu war soodhoobo!!!

Qore: C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor

Maamule ku xigeenkii hore ahna Bare/Macallin Jaamacadeed (fmr Deputy Dean & Fulltime Lecturer) Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha, Al-Madinah International University. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid