Axmed Madobe oo shaaciyey qorshe ay DF ku heshiiyeen

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta khudbad u jeediyey ciidamada qalabka sida ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa ka dalbaday inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudo lagu soo jiray difaac iyo dhufeys, balse hadda aan la sugi doonin weerar dambe oo Al-Shabaab ay soo qaadaan.

Wuxuu shaaciyey in dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh ay la galeen heshiis ah in Al-Shabaab lagu dhaqaaqo, isagoo ciidanka ka balan qaaday in safka hore ee dagaalka uu geli doono.

“Dhowr sano oo aan iska fadhinay weerarna nagu socday waa soo dhamaatay hadda waxaa lagu heshiiyey in Shabaab dagaal lagu qaado, dowladda cusub waxaan ku heshiinay in qorshaha koowaad uu u noqdo dagaalka Al-Shabaab, ciidanka waxaan ka bedeleynaa gaadiidka iyo dareyska, waana dalacsii doonaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh, saraakiisha ciidamada iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ay ciidanka ku soo booqa doonaan furimaha dagaalka.

Wuxuu ciidanka ku amaanay inay gargaaraan dadka ka soo hayaama deegaanada ay ka soo barakiciyaan Al-Shabaab, “Waxaan ku farxaa markii qoys soo hayaamay uu ii sheego in ciidamadu ay caawiyeen oo siiyeen cunadii ay heysteen,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hoos ka daawo