Daawo: Beyle oo ka hadlay arrinta laga faafiyey ee Qalbi-Dhagax iyo ONLF iyo sida ay maanta wax u dhaceen


Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa iska soo duubay muuqaal uu ku beeniyey in maanta uu diiday go’aankii ONLF iyo Cabdikariin Qalbi-Dhagax looga saaray liiska argagixisada oo xukuumaddii uu ka tirsanaa ee Xasan Cali Kheyre ay ku dartay.

Markii uu galabta soo baxay go’aankii ay xukuumadda Rooble ku saxday khaladkii hore ayaa waxaa baraha bulshada aad loogu faafiyey in Wasiir Beyle inuu ahaa codka kaliya ee diiday kiiska ONLF iyo Qalbi-Dhagax.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qiray in mudadii uu socday shirka golaha wasiirrada uu soo jeediyey in dib loo dhigo ajendaha ku saabsan arinta Qalbi-Dhagax iyo ONLF.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in u jeedkiisu uu ahaa in kiiskaan loo maamuuso sida uu u weyn yahay, balse mar kasta uu taageersanaa halganka gobonimo u dirirka ah ee ONLF.

“Waxaan Internetka ku arkay warar been abuur ah oo dhahaya Beyle waxuu diiday in ONLF laga saaro liiska madow, arrintaasi waa been, markii wax la falanqeynayo waxa jira ajende, ajendaha nooguma jirin arrintaan, marka anigu waxaan soo jeediyey in kiiskaan muhiimadda uu leeyahay loo yeelo oo ajendaha lagu soo daro, aniga ka Beyle ahaan ma dhici karto in walaalahey ONLF aan dulmiyo,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxa uu sheegay in madaxda ONLF ay saaxiibo yihiin oo qaarkood ay horay u soo wada shaqeeyeen, haatana uu u aqoonsan yahay rag guul ka gaaray gobanimo u dirirkooda.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa Ra’iisul wasaaraha oo maanta ajendahaas nahor keenay oo muhiimadiisa siiyey kiiskaas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Hoos ka daawo