Guudlaawe oo shaaciyey khasaaraha rasmiga ah ee QARAXII Jowhar (Daawo)

Jowhar (Caasimada Online)- Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay magaalada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in seddax qof oo meydadkooda laga soo saaray guryo ku dumay hoostooda ay ku geeriyoodeen qaraxaas, halka todoba qof oo kale ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyey Cali Guudlaawe.

Seddaxda qof oo geeriyootay ayuu sheegay Madaxweynuhu inay kala ahaayeen hal askari iyo labo qof oo shacab ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qaraxaas uu geystay burbur baaxad leh oo soo gaaray dhismayaasha Hotelkii lala beegsaday iyo dhammaan guryaha ku xeeran oo dad shacab ah ay deganaayeen.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, waxaa galabta Muqdisho lasoo gaarsiiyey oo caawa isbittaalla Muqdisho qaar ka mid ah dhaawacyadii daraa ee ka dhashay qaraxaas, kuwaas oo diyaarad looga soo qaaday Jowhar.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kooxdii fulisay qaraxaan ee Al-Shabaab wuxuu ku tilmaamay musiibo hor taagan nolosha iyo hormarka dadka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto oo lasoo afjaro, si looga baaqsado khasaaraha ay joogtada u geysanayaan.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/pmEz6jT8yVE?t=7